Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Sheegay In Uu Isa Soo hor fadhiisiyay beelihii kui diriray Deegaanka God-heeri.

Filed under: Latest News |

HARGEYSA (BM)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde iyo weftigii  uu hoggaaminayey ayaa maanta oo Sabti ah kulan balaadhan la yeeshay dhinacyadii ay shaqaaqadu ku dhex-martay deegaanka God-Heeri ee hoos yimaadda degmadda gar-adag ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka oo u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta  ayaa sheegay in xasilooni iyo deganaansho ka jiraan deegaankii xurguftu ka dhacday weftiguna ku gudo jiraan heshiisiinta labada dhinac oo illaa hadda ogolaaday inay tan iyo intii shaqaaqadu dhacday ay markii ugu horaysay kulan isugu keeneen waxgaradkii iyo odayaashii labada ardaa, bulshada deegaankuna ay si rasmi ah isu dhex joogaan oo si guud looga wada shaqaynayo nabad ku soo dabaalidda deegaankaasi.

Md. Waran-cadde waxa uu u mahad-naqay dhammaan dadkii u soo gurmaday wax ka qabashada iyo xallinta mashaqadaasi, isagoo ku tilmaamay in rabitaanka nabadgelyadu qayb ka tahay isu tanaasulkii ay Somaliland ku soo caano maashay mudada dheer.

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply