Wasiirka Caafimaadka Oo Safar Uu Gobolka Togdheer Ku Yimi La Shiray Maamulka Iyo Shaqaalaha Cusbitaalka Burco .

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Kaarshe Xaglotoosiye ayaa maanta kormeer ku sameeyay qaybaha uu ka koobanyahay Cusbitaalka weyn ee magaalada Burco .

Sidoo kale Wasiirka ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Cusbitaalka ,si uu ugu guuro galo xaalada guud ee Cusbitaalka ka jirta ,maadaama ay ka baxday Cusbitaalka Hay’adii maamuli jirtay ee MSF Belguim oo joojisay dhawr todobaad ka hor hawlihii Samofal ee ay ka fulin-jirtay Somaliland iyo Somaliya  .

Hus1 Hus2

“ Waxa uu socdaalkayagu ku salaysnaa iyo Kulamada aanu halkan ku qabanay xal u helida arintii  Cusbitaalka ka dhacday ee Hay’adda MSF ,markaa waxaanu ku guulaysanay in ay hawlaha Cusbitaalku halkoodii hore ka sii socdaan ,isla markaana Cusbitaalka wax ku kordha mooyee aaney waxba ka dhicin.

Waxaana fiican in ay isku tashano ,oo aynu ka tusaale qaadano waxkastoo ina soo mara “ Sidaasi ayuu Wasiirka Caafimaadku yidhi mar’uu Saxaafadda kula hadlaayay Cusbitaalka Burco.

Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Md Xaglotoosiye ayaa wakhtigii uu ku sugnaa Cusbitaalka Burco Dhagax-dhigay Waadh cusub oo Kalyaha ah oo Dhakhtarkaasi lagu kordhin-doono sida uu sheegay .

Kormeerkan uu Wasiirka Caafimaadku ku maray Cusbitaalka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa ku wehelinaayay wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan iyo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir ,kuwaasi oo magaalada Burco iyana u yimi Dugsi ku yaala Qoryaale oo ay xadhiga ka jareen .

Burcomedia.com

Burco Office.

 

Leave a Reply