Wasiirka Ganacsiga Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Oo Mudooyinkan Fiintu Dhex-miranaysay Oo Is Faro-saaray.

Filed under: Latest News |

Hargeysa (BM) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka  madaxtooyadda Xirsi  Cali Xasan ayaa isku fara saaray muran adag oo dhexdooda ka qarxay  kadib markii, Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo maalmahan dambe deeradu ku dhex miiranayso isaga iyo madaxtooyadda ayaa dhirbaaxay wasiirka madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali isagoo wasiirka ganacsigu Xirsi  ku eedeeyay inuu shaqadiisii soo fara gashaday sida ay xaqiijiyeen Ilo Wareedyo lagu kal-soonyahay.

Maamulka shidaalka oo hore  loo hoos geeyey wasaarada maaliyada ayaa sababay inay gacmaha iskula tagaan wasiirka cusub ee wasaarada ganacsiga  iyo wasiirka madaxtooyaddu  , sababtoo ah waxa socon wayday shaqadii haamaha shidaalka berbera ee lagu kala wadi jiray adeega laga qaado ganacsatada uu shidaalkku ugu jiro , taas baana sababtay in wasiirka ganacsigu ku dhirbaaxo wasiir xirsi , markii arrintu meel cakiran marayso ayuu soo dhexgalay madaxweyne silaanyo sida wararku tibaaxayaan , isagoo madaxwaynuhu gudii odhad ah u diray haamaha shidaalka berbera , gudigaas shaqadoodu waxay ahayd inay soo kormeeraan lacagta uu wasiirka maaliyadu ku sheegay in loo hayo kala socodsiinta hawsha haamaha oo ay hadda dawladu gacanta ku hayso balse ganacsadayaal shacab ah i wax ku shubtaan, fadeexada ugu weyn ee ka dhalatay ayaa ha markii ay qoladii odhadka loo diray soo xaqiijiyeen inay madhan yihiin accounadii uu wasiirkaa maaliyadu hore ugu sheegay inay ugu jiraan lacag ay ku kala wadayaan hawshan loo soo boobay ee laga soo wareejiyey wasaaradii ku shaqada lahayd ee ganacsiga.

Geesta kale gacan ka hadalkan labada Wasiir dhex-maray ayaa ku soo beegmay iyadoo ay mudooyinkii u danbeeyay ay Fiintu dhex-miranaysay Labadan Wasiir ee Madaxtooyadda iyo Ganacsiga .

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ay caado u noqotay in uu faro-galiyo shaqo wasaarad kale leedahay.

 

 

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply