Waxaan Leeyahay Masuuliyiinta WFP Wax Haka Qabtaan Takoorka Ka Jira Bakhaaradooda Berbera By Gacan Qoor-gaab.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Bakhaaradda raashinka ee WFP ee magaaladda Berbera ,waxay bilaabeen qorshe umadda reer Somaliland lagu kala takooraayo ,oo qaar-na lagu riixaayo ,qaarna lagu soo dhweysanaayo ,waxaas oo dhana waxa ka danbeeya wakiilka WFP u qaabilsan Istoodhadda raashinka ee Berbera.

Masuulkaasi waxa uu bilaabay Bakhaaradda raashinka ee WFP ee Dekedda Berbera ,marka ay gaadiidka ,shaqooyinka ka doonaaya ee rarka qaadaaya u yimaadaan ,Gaadhi reerkoodu leeyahay mooyee in aanu gaadhi kale lawdh ka qaadin ,arinkaasi oo ah wax lala yaabo ,oo u muuqda in sumcada hayadda lagu dilaayo.

Markaa waxaan leeyahay hayadda WFP miyaydaan umadda dhex u ahayn ,maxaa sababay in ay Bakhaaradiina Berbera ,waxan oo kale ka dhacaan oo giidiidka shicibka qaarna la takooro qaarna la soo dhaweysto ?.

Markaa waxaan ku wargalinayaa masuuliyiinta hayadda ee guud ee Somaliland in ay arimaha noocan ah ee masuulkani samaynaayo si deg deg ah wax uga qabtaan ,gaadiidka raashinka qaadayaana haw sinaadaan Bakhaaradda WFB ee Berbera.

 Waayo ? hadii kale waxa ka dhalan kara dhibaatooyin amnidaro oo hayadda saameyn ku yeesha.

Faarax Xuseen Maxamed (Gacanqoorgaab).

Burco Somaliland .

Leave a Reply