Waxaan Leeyahay MSF Waa Idiku Sumcad-daro Hadaad Tidhaadaan Hawshii Aanu Mudada Dheer Wadney Aayaanu Siyar U Faroqaadaynaa. By Gacan Qoor-gaab.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaan u arkaa bixitaanka Hay’adda MSF Belguim ee Cusbitaalka Burco garab weyn oo ina banaanaaday ,waayo hawlaha ay Cusbitaalka ka waday waxay ahaayeen kuwo ay bulshadda reer Somaliland ama reer Togdheer ,ay abaal badan ugu hayeen Hay’adda MSF ,mana jirto cid haayada shaqaalahooda iyo masuuliyiintooda gobolka wax ku yeeshay.

Waxaaney ku bixeen arimo aynaan shaqo ku lahayn oo ay sheegeen in ay kala kulmeen goboladda Konfurta Somaliya ,Somaliland iyo Somaliyana waa laba dal oo kala gaar ah oo aan shaqo isku lahayn ,waayo ? Somaliland waa dal amaan ah Somaliyana xaladeedu iyaga ayay gaar u tahay .

Markaa waxaan leeyahay MSF waxaad mudada dheer soo wadeen ee aad bulshadda danyarta ah ee reer Togdheer gaar’ahaan Cusbitaalka Burco ku taageerayseen hadaad tidhaadaan si yar ayaanu faraha uga qaadaynaa ,ogaada sumcadeena ayay dilaysaaye ,markaa waxaan leeyahay hawshii aad umadda u hayseen dib ugu laabta oo sharafteena ilaashada .

Faarax Xuseen Maxamed .

Guddoomiye ku xigeenka Sooyaal.

Burco.

Leave a Reply