Waxaanu Xukuumadda uga marti nahay in Sh. Siciid Axmed Jaar caddaalad helo By Cabdi Xaliim

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaanu Xukuumadda uga marti nahay in Sh. Siciid Axmed Jaar caddaalad helo

Waxaanu ballanqaadaynaa in aanan taageerin, raallina ka noqon fal kasta oo  lid ku ah nabadgelyada  iyo qaranimada dalka iyo dadka reer Somaliland.

 

Aniga oo ku hadlaya magaca qoyska Sh. Siciid Axmed Jaar oo sida warbaahintuba baahisay qaab argagax leh looga wakhti 2 dii  habeenimo ah looga soo xidhay magaalada Burco,  isla habeenkiina loo soo gudiyay magaalada Hargeysa, waxaan ugu horreyn ku wargelinayaa dhammaanba eheladiisii iyo asxaabtiisa la gaadhsiiyay warka khaldan ee ah in la jidh dilay inaanay waxba ka jirin. shalay iyo saaka oo taariikhdu tahay 24 August 2013 waxa naloo ogolaaday inaanu aragno, si wacana u waraysano, nooma sheegin kumanaanu arag wax haba yaraatee jidh-dil ah oo lagu sameeyay.

Xog-ogaal warranka Sh. Siciid Axmed Jaar

Siciid Axmed Jaar maaha markii ugu horreysay ee tuhmad noocan ah loo xidho ama lagu eedeeyo, waxan xog-ogaal u ahaa laba goor oo hore  oo xukuumaddii aan ka tirsanaa  Siciid  lagu soo eedeeyay inuu Shabaab xidhiidh la leeyahay, balse labada goorba maanu helin wax cad oo markhaati u noqon kara eedaynta loo haystay, mar walbana waxa loo qoray warqad caddaynaysa inaan wax dembi ah oo lagu xidho lagu helin.

Sh. Siciid waxa uu ka mid yahay culimada  magaca ku leh Gobolka Togdheer, waa nin ganacsade ah, waa aqoonyahan shahaadada  Master of Economics ka qaatay dalka India  sannadkii 1997 kii. Wuxuu ka mid yahay Guddiga  Jaamacadda Burco, Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer, Maamulka sare iyo Board-ka shirkadda isgaadhsiinta ee AFROL.

Wuxa uu hore warbaahinta uga caddeeyey inaanu wax xidhiidh ah la lahayn Al Shabaab iyo Urur diimeed hubaysan midna.

Baaq iyo Codsi ku aadan Xukuumadda JSL

Annaga oo ogsoon in tuhmad iyo wanjal ama nacayb diimeed si gaar ah qof warbixin khalad ah looga been abuuran karo, isla markaana aanay dembi ku yeelay Karin ciidanka nabadgelyada ee mar walba heeganka u ah amniga qaranku.

Waxaanu Xukuumadda gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqaynaa kana codsanaynaa inuu  Arrinta Sheekhaas (Sh. Siciid A. Jaar) iyo dhalinta yaryar ee lala soo xidhay si gaara Xog-ogaal ugu noqdo.

Waxaan ugu baaqayaa Wasiiradda Burco kulanku ku dhexmaray odayaasha beesha Sheekha iyo dhalinyarada kaleba, inay si dhakhso ah uga dhabeeyaan ballantii ay odayaasha soo wada galeen.

Waxaanu ballanqaadaynaa in aanan taageerin, raallina ka noqon fal kasta oo  lid ku ah nabadgelyada  iyo qaranimada dalka iyo dadka reer Somaliland.

Waxaan ugu dambayn codsanaynaa in Sh. Siciid A. Jaar caddaalad helo.

Caddaalad ayaa cid walba raalli gelin karta.

Allaa Mahad Leh,

Cabdi Xaliim Maxamed Aw Muuse

Wasiir ku Xigeenkii hore ee Ganacsiga

Leave a Reply