Waxqabadla’aanta Dowladda iyo Dilkii Taliyaha Sirdonka Gobolka Saraareed .By Cabdikariin Axmed .

Filed under: Articles-Maqaallo |

Dilkii Ka Dhacay xarunta Gobolka Saraar ee Ceynaba ee lagu dilay Taliyii Sirdoonka ,Laguna Jabsaday Jeelka , ee lagala baxay Maxaabiistii ku jirtey Jeelka ma noqondoono mid sidaa lagu ilaabi-doono maadaama aaney naqancin sida Dawladu uga howlgashay arimaha foosha xun ee  lagu qaarajiyay Marxuum Axmed Caydiid Bootaan, oo ladilay 16/4/013 ee jeelkana la jabsaday ayna ka soo wareegtay mudo badan oo aanu u dulqaadanay .,

hadii aanu nahay Beesha uu ka soo jeeda Marxuumka la dilay ,kaasoo Dawladu sheegtay  inuu ahaa dilkiisu ku talagal  oo Marxuumka ugu dhaartay Maayarka imika jooga in la dilaayo markii ay Beeshiisu ku shireysay Gobolka sidaana ay ku dileen Laba nin oo ay walaala yihiin Maayarka, Alaha u naxariistee Marxuumkee.

Hadeerna ay joogaan labadaa nin ee falkaasi fuliyay Dilka ah Magaalada Widh-Widh ayna  gacanta ku hayaan Saraakiil Ciidanka Somaliland ah iyo Maayarka Abtigii oo halkaa jooga loona diro Qarashka maalin walba.

 

Waxaa kaloo oo aanu ognahay in markii Jeelka la jabsaday ay rag Ciidanka kamid ah ay siiyeen Furayaasha Jeelka sidaana lagu jabiyay jeelka waxaa kaloo aanu ognahay in Labada Nin ee gacan ku dhiiglaha ahi ay markii dilka geesteen gaariga Booliiska ay kala dageen laba nin oo maxaabiis ah oo kuwii jeelka jabsaday ah.

Waxaa kaloo aanu ognahay in aan Ciidan Somaliland u maqani aanay jirin oo ay Gobolka wada joogeen dhamaantood sida Ciidanka RRU oo la socday Shirkada Macdanbaadhista iyo Booliiska Gobolka iyo Ciidanka Jeelka iyo Sirdoonkaba iyo Militeriga oo Gobolka ku dhow.

Iyada oo kuwii hubka ururiyay iyo kuwii Marxuuka u dhaartay ee falka ka danbeeyeyba ay Gobolka joogaan.

 

Iyada oo aanu maqleynay Buurmadoow oo sheegaya in wixii halkaa ka dhacay ay Dowladu ka danbeeyso oo aanu garanayn waxa uu uga jeedo dilkaa cadaanka ah ee lagaranayo wixii geystay.

 

Hadaba Dowladu dil ay wax ay ka qabato daayoo waxaanay weli wax ka qaban kuwii jeelka jabsaday oo gaafwareegaya Gobolka gudihiisa.

 

Diyaariye: C/kariim Axmed Caydiid.

Leave a Reply