Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Maygaagle ,Qorulugud Iyo Xoolo La Kala Dhacay.

Filed under: Latest News |

 Burco-(BM)-Wararka naga soo gaadhaaya  deegaanka Qorulugud ayaa sheegaaya in ay xaalad am-nidaro ka soo cusboonaatay deegaankaasi ,ka dib markii ay Xoolo kala dhaceen beelo wada degan deegaankaasi.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay markii ay Rag ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ay dhaceen Geel laga leeyahay deegaanka Qorulugud ,kaasi oo la sheegay in uu sababay in ay  geesta kale-na ee reer Qurulugud ay iyana Geel ka la mid ah ay ka qaadaan Deegaanka Maygaagle.

Ilaa iyo hada ma jirto cid ka hawlgashay isu celinta Geelan ay labadan beelood kala dhaceen sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay oo ay Shabakadda Burcomedia deegaamadaasi ka heshay.

Geesta kale deegaamadda Buuhoodle iyo Qorulugud oo mudooyinkii u danbeeyay degenaa ayaa arintani xiisad ka abuurtay.

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply