Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco oo Caddeeyey in aannu Jirin Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Maayarka Iyo Ku Xigeenkiisa .

Filed under: Latest News |

Burco (BM)- Laba iyo toban (12) xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Burco, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal toddoba mudane ku sheegeen inay maamulka Gobolka Togdheer u gudbiyeen mooshin xilka lagaga qaadayo Maayarkooda.

 

Shir-jaraa’id oo ay 12ka xildhibaan  iyo  Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose wadajir ugu qabteen xalay hudheelka Alloore ee magaalada Burco, waxay ka caddeeyeen in aannu jirin mooshin xilka lagaga qaadayo maayarka, isla markaana isku duuban yihiin aqlabiyadda mudanayaasha Golaha Degaanku, balse waxay qireen inay jiraan toddoba xildhibaan oo Guddoomiyahooda ku eedeeyey in sifo sharci-darro ah loo xaraashay gaadiid xumaaday oo dawladda hoose ee Burco lahayd.

 

Maayarka Burco Md. Muraad oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa ugu baaqay toddobada xildhbaan ee cadhada kaga maqan inay ku soo laabtaan golaha, tabashadoodana ka dhex sheegtaan.
“Golaha Degaanka Burco waa kii ugu horreeyre ee sida karaamada iyo sharafta leh isku doortay. Karaamada ha ka qaadina ku soo noqda gollaha wixii dhaliil amma tabasho ah ee aad haysaan soo bandhiga kolba intaad meel wax ku qoraysaan, illeyn waxaad huwan tihiin karaamadii dadka idin doortay,” ayuu yidhi Maayarku.

 

Maayir-ku-xigeenka Degmada Burco Md. Muxumed Xasan Xoday, ,ayaa isaguna tilmaamay  bulshadu ka sugayso golaha degaanka ee ay soo doorteen waxqabad, balse aan looga fadhayin muran iyo khilaaf, “Wax kasta oo  soo kala dhexgala golaha degaanka Burco waxa habboon inaynnu ku dhammaynno is-faham iyo miiska korkiisa ee maaha in  la dudo oo guryo la furto,” ayuu yidhi Md. Xoday.

 

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Burco, ayaa isaguna halkaas ka sheegay in nidaam sharci ah loo maray xaraashka  gaadiidka iskaraabka noqday ee la iibiyey, cid kastoo caddaymahooda u baahan  la hordhigi doono, sidaa awgeedna aanay qurux badnayn in wax aan la hubin laysku dhaliilo.

 

Sidoo kale, xildhibaan Keyse oo ka mid ah mudanayaasha shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa ku baaqay in la dhawro oo la ilaaliyo nidaamka sharci ee golahu leeyahay, isku duubnina bulshada loogu adeego.
Xildhibaan Farxaan Aw Xirsi ayaa isaguna ceeb ku sifeeyey in madaxda sare ee dalka layska eedeeyo, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay mudanayaasha cadhada kaga maqan oo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ku eedeeyey inuu ka dambeeyo khilaafka Golaha Degaanka Burco ka dhex curtay.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay xildhibaan Diigool oo ah xubinta ugu da’da weyn Golaha Degaanka Burco, waxaannu si adag u difaacay eedaymo xildhibaannada ka maqan u jeediyeen Maayarka iyo Ku-xigeenkiisa, isla markaana meel kaga dhaceen sharafta iyo karaamada golahooda dhan, “Waxaanse leeyahay yidhi; “kuwa ceebtu raacday waa idinka ee dib ugu soo laabta golaha.”

 

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay xildhibaan Rashiid Faarax, xildhibaan Axmed Afyare, xildhibaan Cabdirisaaq Aar, xildhibaan Xirsi  Jaamac Cabdi (Indho), xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen Jannaale, xildhibaan Mubaarik Yuusuf  Bidhi  oo isagoo ku sugan  dalka Sweden kadka telefoonka kaga qaybgalay shirkaa jaraa’id iyo xildibaan Maxamed Aadan Cali (Tuu-tuur), kuwaas oo dhamamantood ugu baaqay xubnaha dibad-joogga ah inay ku soo laabtaan  golaha oo ay eegaan  inay wax kasta ka weyn yihiin wax-u-qabadka bulshada soo doortay.

 Burco Media

Leave a Reply