Xisbiyada Wadani iyo Ucid Keebaa Ka Faa’iideysan-doona Burburka Xisbiga Kulmiye? By Daahir Xuseen

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu  horeyn  waxaan salaamayaa  dhamaanba  bahda  saxaafada, guud  ahaanba.

Ka  dib  tan  iyo  markii  la  doortaey  madaxweyne  siilaanyo 26-june-2010- kii  waxa  uu  markii  xilka  loo  dhaarshayba ku  dhaqaaqey  talaabooyin  guracan  ha  ugu  horeyso  isagoo  dadkii  iyo  xisbigii  soo  doortay  ka  dhexbaxey  markuu  kurisiga  isku  hubsadey. shaqooyinkii  u  horeeyay  ee  uu  qabtaa  waxey  ay  noqdeen  dagaal  uu  ku  qaado  xubnahii  sarsare  ee  xisbiga  kulmiye, iyo  isgoo  diidayba  in  uu  talo  xisbigu  leeyahey  habayaraatee  tixgaliyo.Waxa  uu  dhamaanaba  xilalkii  ay  hayeen  kawada  qaadey  xubno  badan  oo  xisbinimada  aaminsanaa, qaar  uu  xidhxidho,  iyo  kuwo  uu ceebeeyo.

 

Waxa uu  sameeyey gole  wasiiro  ah   oo  aan  tayo, laheyn   qabiil  u  badan, hadana  aan  qabiiladoodii  aaney  ku  qancsaneyn.

Waxa  uu  hog  madow  ku  ridey  himiladii  iyo  xisbinimadii  ummadu  ku  naalooneysey  ee  islahaayeen  habka  qabiilka  ku  badala  ayaa  mar  kaliya  waxa  uu  xagashii  qabiilka  wareejiyey  Xagal 180′  ah, waase  yaabe  wali  wax  uu  sii  wadaa  xumaantii  , eexdii ,isku  dirkii  , hanti  boobkii, ragaab  xumadii.

 

Waxa  uu  diidey  gabi  ahaanba  in  uu  dhageysto  talooyinka, tabashada, dadweynaha,  haday  tahey  heerkasta  oo  dadka  dhexdiisa  ah, culumo-diin, aqoonyan, wax  garad,suldaano, caaqilo,dumar,  gabi  ahaanba  wuu gooyey waxaanu   gacanta  qabsadey,  wasiir xirsi  gaab.

 

Waynu  ogeyn  in  aan  qabiil  dooran  darjadan  maanta  uu  xaniinyaha  ku  yeesheyna  aan  qabiilkiisa  iyo  qabiil kale  toona  saarin  balse  uu  ku  gaadhey  dadweyne  fara  badan  oo  u  codeeyey  cadaalada  dulmigana  diidanaa, maxaase  ku  dhacey  dadkii  doortay, waa  yaabka  yaabkiise  tana  yaa  filaayey.?

 

Aan  u  soo  noqdo   ujeedadeyda  maqaalkan  ee  ahaa  xisbiga  wadani  iyo  ucid  keebaa  ka  faaíideysandoona   burbruka  xisbiga  kulmiye  oo  u  eeg  mid  ku  socda  wadadiid  udub  martey, sababtana  uu  leeyahey madaxweyneha  hada  talada  dalka  haya.

 

Waxaan  la  soconaa  in  madaxweyne  siilaanyo  uu  laba  jeer  ka  tartamey  xisbiga  kulmiye  dhexdiisa  lana  taageerey,  mar  uu  guul  daraystay  iyo  markii  u  danbeysey  ee  uu  xisbigu  guuleystey  oo  uu  ahaa  murashaxa  madaxtinimada  waanu  noqday  oo  waa  ka  maanta  ah, hadaba  waxaa  xisbiga  u  yaal xeer  ah  in aan  qofku  laba  goor  wax  ka  badan  murashax  noqon  karin, sidaasi  hadey  taheyn  siilaanyo  xaq  uma  lahan  in  uu  mar  sadexaad  doono  murashax, waa  hadaanu  u  jeedin  in  xisbigu  burburo, maanta  uma  eeka  nin  cod  danbe  helaaya  sababtoo  ah  waxa  uu  imika  lumiyey  dadkii  doortay  70/100, sidaasi  darteed macquul  maahan  in  uu damac  danbe  galo, haduuse  galana  waxa  uun  uu  ku  duulayaa  wada  jirka  iyo  isku duubnida  xisbiga.

 

Hadaba  sida  beryahan  laga  dheehan  karo  ficilada  siilaanyo, sida  wasiirada  uu  kolba  leeyahey  waxaad  tidhaadaan  murashax  ayaan  ahey, xulufeysiga xisbiga  dhexdiisa, xukumada  dhexdeeda  uu  ka  wado,  fogeynta  iyo  bahdilaada  uu  gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye  ku  wado  waxey  hor  dhac  u  yahiin dagaal  siyaasadeed, oo  ka  dhex  qarxa  xisbiga  kulmiye  waana  hubaal, si  kasta  uu  siilaanyo  ku  doono  maanta  in  uu  dib  isu  soo  taago  in  ay  noqon  doonto  mid  aan  la  mahadin, isna  mahadin doonin  balse  hadey  dhacdo oo  uu  xisbigaasi  burburo, waxa  iyana  taariikhda  gali  doonta  in  aan  somaliland  wali  u  bislaanin  waxa  loo  yaqaano  xisbinimada  oo  waxa  iyana  meesha  taala  taariikhdii   xisbigii  UDUB, waxaan  halkaasi  lagu  aasi  doonaa  waxa  loo  yaqaano  xisbinimada  maaddama   xisbigii  noqdey  wax  kursiga  marka  lagu  helo  la  tuuro sida  Odey  siilaanyo.

 

Hadaba  su’aasheydu  waxaa  weeye  keebaa  ay  faa’iido  u  tahey  labada  xisbi  mucaarid  haduu  xisbiga  kulmiye  meesha  ka

 

baxo? jawaabta  waxaan  u  dhaafayaa  dadweynaha.

 

 

 

 

 

Qw/ Tahir  hussein (xumaandiid)

 

 

 

Email-waayo_aragman@yahoo.com

 

 

Leave a Reply