Xukuumadda Siilaanyo Oo Ciidamo Dhoobtay Deegaanka Sanyare Ee Gobolka Togdheer Iyo Xiisadihii Ka Taag-naa Ee Xaga Shidaalka Oo Cirka Isku Shareeray.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Iyadoo ay mudooyinkii u danbeeyay soo xogaysanayeen khliifka ka dhex aloosan Shirkadda Genel Energy ee  shidaal baadhista ka wado gobolka Togdheer  iyo beelaha gobolkaasi Gaar’ahaan beesha reer Xuseen ee deegaanka Sanyare ayaa Xurguftoodii  cirka isku shareertay maanta iyo shalay.

Xiisadan ayaa ka dhalatay sida ay ilo lagu kalsoonayahay Shabakadda Burcomedia u xaqiijiyeen ka dib markii ay Xukuumadda Siilaanyo ciidamu aad u hubaysan ay soo dhoobtay  xalayto Deegaanka Sanyare ee Konfurta gobolka Togdheer ,kuwaasi oo  ay Xukuumadu ku doonayso  in ay cagta mariyaan beelaha ku dhaqan deegaankaasi ee ka biyo deeday iska indho dirka cadaanka ah ee ay Shirakadani  dadka deegaankaasi ku duudsiinayso xuquuqdooda deegaanka ay ku nool-yihiin .

Xuukamadda ayaa Gaadiid Tikniko ah oo tiradooda lagu qiyaasay Tobaneeyo  kuwaasi oo ay saaranyihiin Ciidamo kala gadisan oo iskugu jira RRU iyo boolis da jisay Tuuladda Sanyare ,si ay weerar qaawan ugu qaadaan beesha reer Xuseen  una soo qabqabtaan qaar ka mid ah Odayaasha beeshaasi  .

Sidoo kale Shirkadda Shidaal baadhista  iyo macadan urursiga wada ee shakhsiyaadka beesha Siilaanyo wataan ee Genel Energy ayaa laban-laabtay caqafyadii ay Dhirta  iyo Cawska ku xagaafayeen ee ay deegaankaasi Konfurta Burco ka waday sida ay Shabakadda Caalamiga ah ee Burcomedia u xaqiijiyeen salaadiin iyo odayaal ka tirsan beesha reer Xuseen ee HY oo Khadka Telephonka ugu waramay .

Geesta kale wararaka naga soo gaadhaaya deegaanka Sanyare ,Labiguun iyo Waraabeeye ayaa la sheegay in ay xiisado xoogani ka taaganyihiin kuwaasi oo u dhexeeya  dadweynaha deegaamadaasi ku dhaqan iyo Ciidamaddan Xukuumadu gaysay ,ee Shicibka xoolo dhaqatada ah ku qasbaaya ujeedada beesha Siilaanyo doonayso ,deegaankoodana lagu xagaafaayo.

Shirkadda Genel Energy ayaa ah mid aan bulshadda ku dhaqan gobolka Togdheer dhex u ahayn isla markaana waxa ku shaqaysta ,shakhsiyaad gaar ah oo ka soo jeeda beesha Siilaanyo ee Bariga Burco ,arintaasi oo ay ka koryimaadeen beelaha kale ,isla markaana shir lagu dhex-dhexaadinaayay horjoogayaasha Shirkaddan iyo beesha Reer Xuseen ayaa shalayto guuldaro ku dhamaaday xarunta gobolka Togdheer ka dib markii ay Shirkadu si cad u sheegtay beeshan deeganka ay ku noolyihiin in aaney waxba ka waydiinaynin .

Beesha reer Xuseen iyo beelaha kale ee ay isku deegaanka yihiin ayaa Shirkadda Genel Energy ka doonaaya in deegaamadooda wax laga waydiiyo hawlaha ka socda ,shaqooyinkana saamiga ay ku leeyihiin  laga siiyo arintaasi oo ay diiday Shirkadda hawlahan wadaa..

Burcomedia.com

Head Office.

Leave a Reply