Abaal-Laawe: Hogaamiyihii Aan Hogaaminta Lahayn :Qormadii 4aa By Muj. Cali Guray.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Qeybtii Afraad ee taxanaha Abaal-Laawe hogaamiyihii aan hogaaminta lahayn waxay ku bilaabmatay sidatan:-

Mudadii dheerayd ee Axmed Silanyo uu hogaaminayay SNM intii ugu badnayd wakhti giisa wuxu ku sugnaa Diri Dhaba oo ahayd xarunta ururka. Sida caadiga ah gelinka hore wuxu fadhadiisan jiray Xafiiskiisa Xarunta Dhexe hase ahaato wuxu ku soo rawixi jiray Hotel Kara mara oo uu ka degenaa qol yar oo aad u cidhiidhi ah lakiin hadana uga dhignaa caalamkiisa u gaarka ah ee uu kaga nasto buuqii xafiiska subaxdii iyo dhibaatooyinkii waxa uu ka qaban karayay ay aadka u yarayd. Marka laga reebo Dire Daba wakhtigiisa inta ugu badan ee kale wuxu ku maqnaan jiray London oo ahayd halkii uu markii hore na ka yimi reerku na u degenaa.

Jiidaha hore ama wixii Jigjiga bari ka xiga oo ahayd inta hawlaha ugu badan ugu culus, ugu na muhiim sanaa ururku ay ka socon jireen ayaa ahayd halka uu wakhtigiisa ugu yar siin jiray.Mar mar iyo dhif ayuu isaga oo wafti ah booqan jiray jiidaha hore markaa na kumuu raagi jirin ee wuxu joogi jiray wakhti yar oo xadidan ka dib na isagoo konkon san oon dheg la qabto lahayn ayuu dib isu soo melmeli jiray oo Hotel Kara mara iyo qolkiisii yaraa odhan jiray” hadii aanan balaayoy buul kayga kaa gelin” ilaa hada na mar kale uu tigidhka goosa nayo oo London u baqoolayo.

 

Mujaahidiinta colalka jiidaha hore Gudoomiyaha SNM macnaha ugu wayn ee uu ugu fadhiyay waxay ahayd keliya inu ” Astaan” u yahay wax ay ka filan kareen oo badani na runtii muu jirin ba. Hadii laga tegi waayo way jeclaan lahaayeen in uu dhex yimaado, la joogo wakhti na la qaato oo dhegeysto marna ma hadhooyinkooda marna tabashooyinkooda haduu doono waxba ba yaanu ka qabanin eh. Waayo dhex jooga iyo dhegeysiga ayaa ba sed u noqon karay ay nasiib darro lakiin wakhti ku filan inu siiyo muu kari jirin. Inta badan na gudoomiyaha iyo mujaahidiinta mar walba waa loo dhaxeeyay cidda u dhaxaysa Iyo gudoomiyaha xidheedhkoodu na saamayntiisa ayuu yeelanayay.

 

Axmed Silanyo, gudoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM Mudadii uu xilka hayay waxa lagu xasuusan karaa dhawr arin: tan hore waa dulqaad uu ku xamili jiray warmaha darandooriga ahaa ee mucaaridkiisa hadii isagu uu qalad ama laba qalad lahaa iyagu na tobanka iyo labaatanka qalad lahaa. Khilaafka u dhexayn jiray isaga iyo mucaaridkiisu waxa la isku hayaa inta badan muu ahaan jirin wax khuseeya danta ururka SNM iyo taladeeda balse wuxu ahaan jiray wax uun salka ku hayay danaysiyo gaar ahaaneed oo shakhsi, koox, ama reer, in kasta oo ta reer-nimadu ay been ahayd ee la adeeg sanayay uun.Tan labaad na waxay ahayd aftahnimadii uu lahaan jiray ee muranka iyo asaraarka aan dhiniciisa dhulka la dhigi jirin oo sax iyo qalad ba uu ku difaaci jiray, inta badan na uu sida gaarka ah ugu difaaci jiray qaladaadka iyo gol daloolooyinka ay leeyihiin shakhsiyaadka liitay ee isaga ka ag dhawaa ama uu xilalka u dhiiban jiray. Waxa caado u ahayd qofku mar hadii uu isaga dhankiisa yahay in xagiisa aanu qalad ba yeelan karin , xataa hadii ay leeyihiin wax kasta oo cadaymo ah oo la soo hordhigo lama marsiin jirin balse wuxu ku daadifayn jirin muran iyo asaraar keliya. Inta badan dadka uu xilalka uu dhiibi jiray may ahayn kuwo isagu sababo uu og yahay ku soo xusho ee waxay ahaan jireen kuwo ay cido kale wadato ama is wataan oon aqoon, daacadnimo, iyo karti toona loo eegin ee dano kale laga leeyahay oo marka uu soo tubo ee isu soo sooc aad geel kiis mooday say tayo xumadooda, taas ayaa na sabab u ahayd “rakaab xumada” ku noqotay naanaysta caanka ah ee ka hadhi wayday.

La Soco qaybaha danbe.

Burcomedia

Leave a Reply