Ajaanibta Shirkadda Genel Energy Oo Si Lama Filaan Ah Uga Baxay Gobolka Togdheer.

Filed under: Latest News |

Burco(BM) Ajaanibta Shirkadda Genel Energy ee hwasha Sahanka ka wada Gobolka Togdheer ayaa galabta isaga baxay   gobolka Togdheer iyagoo u kolanyaystay  dhinaca Hargeysa .

Lama hayo warar dheeraad ah oo ku saabsan sababta Ajaanibta ka hawl gasha Shirkadda Genel Eneregy ay uga baxeen  Burco, hase yeeshee ilo wareedyo hoose ayaa iftiiminaya in Ajaanibtu isla Berri oo Jimce ah u Duuli doonaan Dalka Kiiniya sida ay Burcomedia u xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay .
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Shirakadda Genel Energy oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa cadeeyay  in Ajaanibta shirkadda Genel Energy ay Hargeysa u soo caraabeen, halka ay wali ka sii shaqaynayaan shirkadihii iyo shaqaalihii Wadaniga ahaa ee ay qanadaraasyadda siiyeen.

Dhinaca kale, qof goob jooge uahaa markii ay soo gaadheen Hasrgeysa ayaa sheegay in Ajaaniibta shirkadda Genel Energy u soo galeen magaaladda si kolonyo ah, waxaanu warku intaa ku daray in laga dareemayay xaalad sidii caadiga ahayd ka duwan oo xaga amniga ah .

Sidoo kale Saraakiisha Booliiska gobolka Togdheer oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno siu aanu wax uga weydiino arrintan ayaa ayay noo suurtoobi wayday in aanu helo .

Geesta kale bixitaankan shaqaalaha Ajaanibta ah ee Genel Energy ee gobolka Togdheer ayaa ku soo beegmay xili ay Muran iyo khilaaf aan wali xal loo helini  ka dhex taaganyahay  dadka deegaanka sahanka laga wado degan iyo madaxda shirkadda Genel Energy, taasina waxa ay keentay in hawl maalmeedkii shaqada Sahanku istaagto maalmihii u danbeeyay .
 

 

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply