Al-Shabaab Oo Shaaca Ka Daaday In Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Faro-caaradood Kaga bad-baaday Khasaarena Ay u Gaysteen.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Xarakada Al-Shabaab ayaa barahooda Internetka waxaa lasoo dhigay war ku aadan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kolonyo waardiyeeneesay ay jidka u galeen ayna gubeen gawaari dagaal oo Madaxweynaha waardiyo u ahaa.

Weerarka Al-Shabaab sheegeen in ay qaadeen ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Buufow waxaana lala eegtay gawaari dagaal oo galbineysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xili uu kusii jeeday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Shabaab waxa ay sheegeen in Madaxweynaha uu weerarka ka badbaaday balse ay gubeen gaadiid Dagaal oo lasocday , waxa ayna siodoo kale xuseen in ay jiraan qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh oo la gaarsiiyay Ciidamadii lasocday Madaxweynaha.

Geesta kale dawladda Somaliya ayaa beenisay warkan sheegaaya in uu dagaal dhex-maray Kooxda All-shabaab oo ay mudo dheer gadaal ka dhexeeyay.

 

 

Burcomedia.com

Hargeysa.

Leave a Reply