Amnesty Oo Dawladda Somaliya Ku Eedaysay In Ay Dad Barokacayaal Ah Khasab Kaga Rartay goobo Ku Yaala Muqdisho.

Filed under: Latest News |

Muqdisho (BM)-Amnesty International oo ah hey’ad caalami ah oo u dooda xuquuqul Insaanka ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya, inay si qasab ah uga rartay kumanaan barakacayaal ah xeryo ay ku noolaayeen oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hay’adda ayaa sheegtay in arrintani ay xadgudub weyn ku tahay xuquuqda aadanaha, iyadoo xustay in ciidanka dowladdu ay dileen laba qof oo ka mid ahaa dadka kasoo horjeestay inay ka baxaan xeryihii ay ku noolaayeen.

“Dad kor u dhaafaya 370,000 oo horay uga soo barakacay abaaro, macluul iyo dagaalo ayay dowladdu si khasab ah uga rartay xeryo ay ku noolaayeen oo ku yaala Muqdisho, arintaasna waa xad gudub weyn” ayay hay’addu sheegtay.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay sababta dadkaas looga rarayo xeryaha barakacayaasha Muqdisho inay tahay dib u dhisi lagu sameynayo goobaha danta guud ee caasimada, iyadoo madaxweynaha Somalia uu markii dambe amar ku bixiyey inaan shacabka laga saari Karin dhisme aan baahi loo qabin xiligan.

Geesta kale Amnesty International ayaa sheegtay in ciidamada dowladdu ay dileen wiil sideed jir ah iyo haweeney sagaal caruur ah lahayd bishii Ogoosto ee sanadkan markii ciidamadu rasaas ku fureen dad diidanaa in meelihii ay degenaayeen khasan looga saaro.

Maaha markii u horeysay ee ay Amnesty Eedayn ujeediso Dawladda Somaliya ,balse tiroba dhawr jeer oo hore ayay sidan oo kale dhcaday.

 

Burcomedia.com

Muqdisho Office.

Leave a Reply