Aqoonyahan Cabdi-Dhoodi Oo Beeniyay War Been Abuur Ah Oo Magaciisa Ku Qoray Nin Guul-wade Ahi.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)Cabdi Cabdilaahi (Cabdidhoodi) oo ka mid ah aqoonyahanka rug-cadaaga ah ee gobolka Togdheer ayaa beeniyay war dhawaan laga baahiyay oo magaciisa lagu qoray.

Cabdi-dhoodi oo u waramay Burcomedia ayaa ku tilmaamay been abuur aanu shaqo ku lahayn warkan oo ahaa hambalyo Xukuumadda Siilaanyo iyo Wasiirka arimaha gudaha lagu hambalyaynaayay oo uu qoray nin la yidhaado Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid oo guul-wade ah .

“ Anigoo ah Cabdi Cabdilaahi Cabdidhoodi oo ah nin reer Burco ah oo umadda oo dhami taqaano, waxaan halkan ka cadaynayaa ,warkaa lagu sheegay In Xukuumadda Siilaanyo iyo Wasiirka arimaha gudaha lagu hanbalyaynaayo oo aanan qorin oo magacayga lagu daray laguna faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta .Warkaasi oo uu Qoray ninka la yidhaado Dr. Cabdijibaar oo magacyadii uu qoraayay ee Liiska magacayga ku daray si been abuur ah anigoo aan ka warhaynin shaqona ku lahayn .

Markaa waxaan halkan ka cadaynayaa warkaasi in uu been abuur yahay ninkaasi qoray ,waxaanan uga digayaa wararka noocaas ah ,waayo ? markaan cid amaanaayo anaa gacantayda ku qoraaya ,laakiin cid u dabo fadhiisan-maayo ,cidna igu guurimayso ,Xukuumaduna wixii loo doortay haday gudanayso iyo hadii kale-ba waa shaqadeeda oo xil ayaa ka saran amaana iigagama baahna ..

Dhawr cisho ayaa laga joogaa markii qaar ka mid ah saxaafadda Xukuumadda Siilaanyo maamusho lagu daabacay warkan lagu daray magaca aqoonyahankan .

Sidoo kale Cabdi-Dhoodi ayaa ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo ku takhasusay dhinaca cilmiga Xisaabta iyo maadooyinka horumarinta deegaanka.

Geesta kale Dr. Cabdijibaar oo ah 80-jir Dhakhtar reer Burco ah oo warkan faafiyay ayaa  Xukuumaddii Rayaale Mucaarid ku ahaa imikana si weyn u taageersan Xukuumadda Siilaanyo, sax iyo qalad-ba ,waxaana Dhiigiisa ku talaalan xanuunka Somalida aafeeyay ee loo yaqaano qabyaaladda  .

 

Burcomedia.

Burco Office.

 

Leave a Reply