Axmed Madoobe Oo La Filaayo Maalmaha Soo Socda In Uu Muqdisho Gaadho Iyo Ujeedadda Safarkiisa.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Isaga oo ka hadlaye shirjaraa’id uu maanta uu ku qabtay Magaalada Kismaayo Hogaamiyaha Maamulka Axmed Madoobe ee Jubba,wuxuu sheegay inay qancinayaan cid waliba oo kasoo horjeeda maamulkiisa.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu imaanayo Magaalada Muqdisho dadka kasoo horjeeda maamulkiisana uu qancinayo,xitaa hadii ay doonayaan xilal uu ku qancinayo si xal looga gaaro arimaha maamulka Jubba.

Imaatinkiisa Magaalada Muqdisho k adib ayuu sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya uu tagi doono Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Mar uu ka hadlaye dhameestirka maamulka Jubba ayuu sheegay in caqabada jirtay ay aheyd xalinta khilaafkii udhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa balse iminka taasna laga gudbay.

Geesta kale Dowladda Soomaaliya ayaa soo afmeertay khilaaf muddo sanad ah ka taagnaa Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo maamul loo sameeyo,iyadoo ugu dambeyn heshiiska maamulkaasi uu noqday in Maamul la magacbaxay Jubba laga dhiso Gobaladaasi.

 

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply