Axmed Madoobe Oo ,Shiikh Xasan Daahir Aweys Ku Booqday Xabsi Uu Ku Jiro Oo Muqdisho Ku Yaala.

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)-Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa booqasho ugu tegay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ku jira xabsi aad loo ilaaliyo oo ciidanka nabad sugida ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe oo dalbaday kulankaas ayey wararku sheegayaan inuu Xasan Daahir la soo joogay ku dhowaad saacad.

Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay ka wad hadleen hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa kulan is xog wareysi iyo salaan kaliya ku koobnaa, iyadoo Axmed Madoobe uu ku booriyey Xasan Daahir inuu aqbalo shuruudaha la hor dhigay si uu xabsiga uga baxo.

Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa saraakiisha ururkii xisbul Islaam ee uu hogaamin jiray Xasan Daahir Aweys, waxaana labada nin ay kala irdhoobeen markii Xasan Daahir uu ka soo horjeestay taageerada uu Axmed Madoobe ka helay ciidamada Kenya ka dib markii Al-shabaab ay dagaal kaga saareen Kismaayo.

Xasan Daahir ayaa wixii xiligaas ka dambeeyey ku biiray Al-shabaab iyadoo Axmed Madoobena uu kala soo horjeeday dagaal ay ku gacan ku siinayeen ciidamada Kenya oo ugu dambeyn horseeday in Al-shabaab laga saaro Kismaayo.

Xasan Daahir oo bilo ka hor ka soo baxsaday Al-shabaab ka dib markii ay iskhilaafeen hogaanka kooxdaas ayaa gacanta ugu jira dowlada Somalia, isagoo ka caga jiidaya inuu aqbalo shuruudo lagu xiray sii deyntiisa oo la hor dhigay.

Leave a Reply