Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Shir Deg Deg Ah Usu Yeedhay Hay’adaha Gobolkaasi Xili Ay Gobolka Xaalad Cusubi Soo Wajahday .

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji ayaa magaaladda Burco ka furay Shir lagaga hadlaayay horumarinta gobolka Togdheer .

 

Shirkan oo ka dhacay Hotelka Plaza ee magaalada Burco ayaa waxa ka soo xaadiray  Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa iyo waliba laamaha Dawladda gobolkaasi..

Sidoo kale Shirkan oo ku soo beegmay xili uu dhaqaalaha gobolkaasi hoos u dhac balaadhani ku yimi ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha gobolkaasi Mr. Xamarji waxaanu hadlkiisa u dhigay sida tan.

 

“ Runtii waxaan u kacay Shirka in aan furo ,waxaanu u diyaar nahay dhamaan aniga iyo laama dawladda ee gobolku ee aan madaxda u ahay in aynu kala qaadano wixii qoraal ah ee ku saabsan horumarinta gobolka Togdheer si aynu uga wada midho dhalino.

 

Waxaanan ku guubaabinayaa dhamaan hay’adaha samofalka ee ka hawlgala gobolka Togdheer in ay noo soo gudbiyaan mashaariicaha horumarineed ee ku soo fooleh gobolka si aanu ula ogaano .

 

Waxaan kale oo aan ku wargalinayaa Hay’adaha gobolka ka hawlgala in ay hagaajiyaan xidhiidhka ay gobolka  la leeyihiin si loo fahmo waxyaabaha ay gobolka ka wadaan “ Sidaasi ayuu yidhi  Badhasaabku.

 

Sidoo kale qaar ka mid ah madaxdii Hay’adaha ee shirkaasi ka qaybgalay oo halkaasi ka hadlay ayaa balanqaaday in ay la shaqaynayaan masuuliyiinta gobolka Togdheer ,isla markaana soo bandhigay waxqabadka ay gobolka ka wadaan iyo kuwa u qorshaysan in ay fuliyaan ,halka ay kuwo kale-na ka Gaws-adaygeen .

 

Geesta kale Shirkan uu Mr. Xamarji iskugu yeedhay Hay’adaha Samofalka ee gobolka Togdheer ayaa ku soo beegmay wakhti uu dhaqaalaha gobolkaasi dhulka galay ka dib markii ay gobolka ka yaaceen Labadii Hay’adood ee ugu dakhliga badnaa sida Shirkaddii Shidaal baadhista ee Genel Energy oo gobolku Dakhli badan ka heli jiray iyo Hay’adii Samofalka ee MSF oo gacanta ku haysay Cusbitaalka Burco oo hada xaaladiisa dhaqaale iyo adeegiisa guud-ba laga dayrinaayo .

 

Xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa si cad ugu fashilantay in ay ku qanciso Hay’adda MSF ee Cusbitaalka Burco gacanta ku haysay  iyo Shirkadda Genel Energy in ay dalka ku nagaadaan isla markaana waxa la filayaa Mucaarid-nimadda Siilaanyo ee gobolka Togdheer oo awal hore-ba xooganayd in ay sii laba kaclayso .

Waa markii u horeysay ee Badhasaabka gobolka Togdheer sidan oo kale uu isugu yeedho Hay’adaha gobolka.

Burcomedia.com

Burco office.

 

 

Leave a Reply