Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Xadhiga Ka Jaray Maxad Lagu Talogalay La Dagaalanka Tahriibka Oo Ay Dhalinyaro Mudadawaciini Burco Ka Hirgaliyeen.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji ayaa xadhiga ka jaray machad cusub oo loogu talogalay in uu qayb ka qaato la dagaalanka Tahriibka iyo shaqo-la’aanta aafaysay dhalinyaradda Somaliland gaar’ahaan gobolka Togdheer .

Maxadkan oo ay hirgaliyeen dhalinyaro mudadawaceen ah oo reer Burco ah oo loo bixiyay Machadka Kobcinta Xirfadaha Shaqo ee dhalinta ayaa waxa furitaankiisa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay laamaha gobolka Togdheer oo uu horkacaayay Badhasaabka gobolkaasi ,Waxbarashadda ,Qaybaha bulshadda ,Aqoonyahano ,Culimo-awdiin iyo Marti Sharaf kale .

“ Waxa maanta farxad  noo ah in aanu halkan ka furo Maxad aan hore loogu arag , dalka Somaliland ,kaasi oo aanu ugu talogalay in ardaydda Jaamacadaha ka qalinjabiyay ama dugsiyadda sare iyo waliba shaqaalaha Dawliga ah in aanu ku tababaro Xirfadaha shaqo iyo qaababka  loo raad-sado.

Run’ahaantiina waxaanu qabnaa in uu Maxadkani qayb libaax ka ciyiraai-doono shaqo abuurka dhalinyaradda gobolka Togdheer oo ay saamayn laxaadleh ku yeelatay shaqola’aanu ,taasi oo sababtay in ay Tahriibaan oo ay badaha shisheeye ku daataan “ Sidaasi waxa yidhi maamulaha Machadkan Iid Ismaaciil Cabdi .waxaanu intaasi raaciyay furitaanka maxadkani in ay ku kaliftay markii ay ka dhiidhiyeen Shaqo la’aanta dhalinta reer Burco aafaysay ee Tahriibka sababtay oo ay ku naf-waayeen dhalinyaro badani.

Gudoonka waxbarashadda gobolka Togdheer Proff. Cabdi Axmed Siciid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. “Waxaan ku amaanayaa dhalinyaradda keentay fikirkan  in xirfadaha la baro dhalinyaradda ay aqoontooda ku kabana si ay u bartaan wadooyinka loo maro shaqooyinka ,markaa anagu Wasaarad’ahaan ilaa heer wasiir waanu soo dhaweynaynaa waxaananu maxadkan u aqoonsanaynaa in uu ka mid yahay Dugsiyadda ka jira gobolka Togdheer “ Sidaasi ayuu Cabdi Axmed Hadalkiisa kaga baxay.

Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji oo isna halkaasi ka haday ayaa yidhi. “ Runtii Dugsigan cusubi waa mid aad iyo aad loogu baah-naa ,waxbadana ka taraaya Shaqo abuurka dhilinyaradda gobolka iyo dhiirigalintoodaba markaa anagu gobol’ahaan waanu soo dhawaynaynaa waxaananu u balanqaadaynaa aniga iyo  iyo shaqaalahayguba  in aanu ka qaybqaadano ,aqoon-korodhsiga Dugsiga iyo tababaradda uu bixinaayaba “ Sidaasi ayuu Mr. Xamarji hadalkiisa kaga baxay.

Geesta kale furitaanka Dugsigan cusub ee kobcinta Xirfadaha Shaqo’ee dhalinyaradda ayaa ku soo beegmay xili ay laban-laabantay shaqo la’aanta ka jirta gobolka Togdheer isla markaana ay xoogaysatay Tahriibka dhilinyaradu ,taasi oo ay ku nafwaayeen dhalin aan tiro lahayni isla markaana ay Xukuumadda Axmed Siilaanyo ku fashilantay in ay shaqo u raadiso ,dhibaatooyinka ubadkeena dalka ka eryaaya ee xaga nolosha.

Waxaana la odhan-karaa Machadkani waxa uu buuxiyay kaalin ka banaanayd gobolka Togdheer oo ay Xukuumaddu gabtay ,in ay hore u buuxiso.

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply