Bal ila Taliya Oo, Face Buuga, Ma Iskaga Tagaa? Waqtiga isbedeley, Warbaa La Socdee Qaybtii sedexaad By Xaamud Ducaale.

Filed under: Articles-Maqaallo |

 

Waxaan idinku salaamayaa haddaad qaari tahay iyo haddaad saamic tahayba, salaanta buuga fool ka fool oo ah: “Weeyi” “Hi” , idinkuna igaga roga: “warsan”, kuna soo dhawaad qaybtii sedexaa ee “Bal ila taliya oo buuga fool ka fool, ma iskaga tagaal”

Waa fal Ala iyo far gaalaad buuga fool ka fool, oo caalamka oo dhammi wadaago oo adeegsado. Baalasha amma bogaga, buuga fool ka fool, ma buuxsamaan, qoraxduna kama dhacado, sida giraangirta ayuunbay ku guud wareegtaa guradiisa. Gabal dhac iyo waaberi ma kala laha, habeen iyo dharaar ma kala laha, gu’ iyo jilaal ma kala laha, lama yaqaan gu’ iyo dayr mid la gaadhi doono.

Dayaxii, ay cadeeda ku kaayasan jireen guudkeena, madoobaa oo wuu gamaarsan yahay, gudcur iyo caddo ma kala laha. Xidigihii lagu gudi jirey marka isaga la waayana, gabalkaa u dumey oo way guda haawadeen.

Gooraha ayuun baa kala duwane, xuduud ma kala laha, quruumaha iyo qaaradaha adduunyadu, gudaha buuga fool ka fool. Halka doontaba joog, dunida inteeda kale, waxaad kula xidhiidhaysaa bilig qudha (one click), inkasta oo aanay danyarta, ina saboole iyo inantuu saboole dhalay midna joogin.

Geeridu xaq weeyaan, laakiin Lama guud caddaado oo lama gaboobo gudaha buuga fool ka fool. Gaar ahaan xaawaleydu, goor walba waa siddi muldhukh, widhwidhaya iyo Indho jacayl, oo haddaad daymootaba kuu ila jebinaaya, oo damaq jacayl dad is raba warkood kaa daadijinaaya. Ragga, “Garoonka ku yaala guudkaagiyo gugaaguba wuu ku soo ridan” way ka raysteen, oo timaha waa la xamraa, waa la dabaa, waa la beeraa, oo waxaa laga haqa beelay buruuko.

Magacyaanta hablaha ku sugan buugani, waa barwaaqo, laqanyo, qalbi lula, indhaha u roon, beer- qaad, baxarasaaf, waadhi, laab qaboojiya, shankaroon, hebla jallaqsan, isku- filan, shaxshaxley, filkeed-karoon, boqorada, amiirada, quruxley, hibaaqbaxay la mood, joog-dheer, beer lulla, xubi, indho-jacayl, princess hebla, sharaf-badan, quruxleyda qarniga, inanta qarniga, ifka nolosha, ma-dhaafaan, indho-deeq, tii kali ahayd, hebla dagan, haygu habsaamin, asal somalilander, honey ,sweet princess, qalanjo, lovelly, macaan badan iyo qaar kale oo badan, oo buuga fool ka fool la jaan qaadaya.

Lama joogo jannadii fardawsa iyo naciima oo da’ada la iskama dhaafin, lamana xuub siibto sida maska eh, waxaan u malaynayaa, tuhunku waa xaaraane, in uu qof waliba, soo xulay sawiradiisii dhallaanimo, oo bedka soo dhigay. Taasina waxay keentaa in guurdoonka, gaabsi doonka iyo baashaalayaashuba, isku khatalmaan, oo markay gelgelinta faqa ganbadh soo kuududsadaan, gelin ku haasaawan, jacaylka qaadaa dhigaan, kala hufaan, kala haadiyaan, il iyo lafba ka dhameeyaan, ay dhab u balamaan.

Markay balamayaan waxay isku sii dardaaraan, in aan telefoonada gacanta la soo iloobin, lana hubiyo in uu cabbaysan yahay. Wuxuu mid waliba u abtiriyaa, labiska uu soo xidhan doono, si uu mid waliba ka kale u garto. Waxay isa sagootiyaan, isaga wiilku ku luuqaynayo: “Ma soo xidhatay luulkii labisyadii haboonaa, dharka kii u fiicnaa.” Oo laga helo tukaanka Saynab, Wembley Central, Sinta bidix ku haya Xawaalada Oomaar golobal, sinta midigna ay kaga taal xawaalada Cammud Express, kana soo horjeeda Xawaalada Horyaal. Waa suuqa Somalida ee Al-bashiiri ee caanka ah”.

Hablo badan ayaa ku faana oo sheegta markay is qaabilayaan, wiilkii ay isku arkeen boga faqa, in ay soo xidhan doonaan, diric ishu ay ka duseyso ( see through) oo khafiif ah, midibkiisu yahay basali, garba saar huruud ah, iyo malkhabad dhiin ah. Laakiin marka hore ay dednaan doonto oo xidhnaan doonto shaadir iyo shuuke culus, markay is helaana, ay iska dhillin doonta, oo iska rogi doonto culayskiisa.

Sua’laha da’dii hore isweydiiyaan, markay isa soo horjoogsadaan, waxaa u badan: Qolomaad tahay? Geeliinu xaguu daaqi jirey? Ceelkuu ka cabba jirey? Xaajooyinkii sula iyo saban xumaadkii, caawanimo. Hadduu midkood Ka meeraysto, oo uu weydiimahaa hore uga jawaabi waayo; waxaa lagu yidhi: “Maxaad isla qarinaysaa, ma gun baad tahay? Malaha gob baanad ahayn, ma kuwa la hayb sooco, ayaad tahay? Ma laangaab ayaad tahay? Miyaa la idinka tiro badan yahay? Maxaa kaa siya?.

Markaasuu, intuu xamili waayo oo dhiidhiyo; qabyaaladdii qalqaaliga ahayd, ku soo duxdaa. Wuxuu quruurixiya waxii hore loogu laqimay ee aabahihii iyo hooyadii u sheegeen, geesiyadii beeshooda iyo siday ree hebel weligoodba uga adkaayeen. Kan baan ah, keer baan ahay, laan-dheere ayaan ahay, kuwa ugu sareeya ayaan ahay. Su’aalahaasi iyo jawaabahaasi, wax raad ah, oo la taaban karo oo nolosha dhabta ah, iyo buuga fool ka fool, ku leeyihiin ma jirto, waa dhalanteed. Waa dhaqan duuga, oo hadduu midkood yidhaa gaal baan ahay, fasaxaya in uu ka kale, yidhaa: “Taasi waxba ma eh, abtirsoo ayaad tahay. Ayaad u dhalatay, ayaa ku dhalay oo reer abtigaa waa ayo.” Waa ummad eyni u kordha mooyee, siduu Gaariye sheegay, aqli aanu u siyaadin.

Da’da danbe, way soo dhaamaysaa, oo waxay isweydiiyaan: “Are you married,? How old are you? Do you work? What is your job? Are you proffissional? Do you have a house? Sua’lo wax ku ool ah oo nolosha dhabta ah, iyo buuga fool ka fool la jaan qaadaya. Garaadkoodu wuu dhaafsiisan yahay xaajo gobleed iyo dirsooc. Waxay buuga fool ka fool la wadaagaan cadaan iyo madaw, carab iyo cajami. Habluhu kun bay kala sheekaystaan, kowna way ka guursadaan. Wax badan ayay og yihiin, waalidkuna wuxuu ku dirqiyayaa dhaqan dirsooc iyo daacuun hogaaminayo. Waalle, aniga cadkii la iga beeray kuma baroortaan, sidii beryo qaarkood: “ Jiidhkii I dhalay baa, jilbaha iga xidhayoo, jaran jarada aqalkiyo, jaarkaba ma dhaafee, mee jaalahay?

Waxaad iga sugtaanba waa qaybtii afraad. Haatana waxaan idin kaga tagayaa salaanta buuga fool ka fool ee ah: “Saruura.” Iyo weliba: “Libta waxaan hayoon dumar ku laakimoodaba, tanaa lagadooyee, iga loofsatee. Haddii la isku deyn laa labadayada talo ma laalanteen. Dad lurtayda jecel baa, intaan hoosta kaga lammaan.” Dhegeysi waanaasan luuqdii Hassan Adan Smatar, iyo midhihii Inna Ciise Gani.

Hamud Duale
ganbar1@live.co.uk

Leave a Reply