Bal U Fiirso Dardaarankii Madaxweyne Cigaal Uu Siiyay Reerka Uu Ka Soo Jeedo Markuu Xukunka Hayay Iyo Ka Madaxweyne Siilanyo Siiyay Reer Kiisa.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Dhaxal idiinka dhigimaayo inay madaxtinimadaydu idin dhaxal siiso inaan berito markaan dhaco aad caalamka dawarsataan, oo soomali inteeda kale idinla colowdo oo ay idin yidhaahdaan waa kuwii waa kuwii idin dhaxal siin maayo!, waxaan idin dhaxal siinayaa qaran la yidhaah Somaliland oo aad ka mid tihiin oo weliba abaal wayn, abaal wayn idiin haya, oo weliba qayb wayn aad ka qaadateen dhismihii qarankan iyo dhismihii dalkan.

Waxaan leeyahay hanbalyo, hanbalyo hadaad Ciise Muuse aad tihiin!. waxaan ogahay oo aan ogahay konton sano ayaan siyaasad ku jiray oo aan dad u talinayay, waxaan ogaaday gobonimadu waxay tahay, gobonimadu maaha anigaa faro badan,gobonimadu maaha anigaa cid ka adag, gobonimadu waa cidii lala noolaan karo ee lagu dhex noolaan karo ee nabad iyo walaal tinimo lagula dhex joogi karo.

waxaan leeyahay gobta Somaliland waa Ciise Muuse! Alaylehe waa yihiin!, waa weedhihii madaxweyne cigaal ilaahay haw naxariistee mar uu la dardaarmayay beesha uu ka soo jeedo xiligaas oo ahayd 10/2001 dii,

 

ilaahay haw naxariisto madaxweyne Maxamed xaaji ibraahin cigaal waxa uu ahaa hogaamiye dhab ah oo u bislaaday siyaasada waxa uu dareensanaa oo uu garanayey hadii uu ku mash quulo inuu qabiil dhiso inay meesha ka baxayso qaranimadii lawada lahaa, dhaxalka ugu fiican ee uu uga tago qabiilkiisana uu yahay inuu magac uga tago  oo aanay waxaba anfacayn sad yar oo cid gaara loo buriyay, waxa umada wada deeqi karaana ay cadaalad tahay! waa arinta dar daaran kiisa salka u ah si uu u tuso beesha uu ka soo jeedo inaanay marnaba dhacay oo ka sugayn inuu siiyo waxaanay xaq ulahayn oo ay ula siman yihiin bulshada balaadhan ee ku nool Somaliland!.

 

hadii la baadho golihii xukuumadiisu ka koobnayd Madaxweyne cigaal marnaba kamay dhex muuqan xubno wasiiro ah oo aad u awood badan oo marnaba aan dhacayn hadii isku shaandhayn kastaa timaado sida xukuumada siilanyo maanta ka muuqata! iskadaa inuu Madaxweyne Cigaal wasiiro ka dhigtay rag noocaas ah xitaa agaasime umuu magacaabin!,

 

Madaxweyne siilanyo isagu golaha xukuumada uu soo dhisay xubnaha ka soo jeeda beeshiisa intii uu wax kala bedelayay weli kamuu bedelin wasiir kasta wasaaradii uu hayay inuu eryo iskadaaba!.

waa wasiirada ugu awooda badan xukuumada uu hogaanka u hayo madaxweyne siilanyo! wasiirka madaxtooyadu isagu waxa uu awoodii dastuuriga ahayd ka qaaday madaxweyne kuxigeenkii dalka waxaana loo yaqaan raysalwasaaraha dalka ee aan dastuuriga ahayn ee siilanyo dabadii aan laga daba hadlin. rag badan oo qarankan wax ka tari lahaa oo xukuumada siilanyo soo maray ayaa iskii uga tegay shaqada oo uu damiirkoodu siin waayay inay hoostagaan wasiir aan haysan awood dastuuriya oo uu ku xukumo waxaana kamida ragaas 1- mujahid Maxamed xaashi cilmi, 2- Dr; Maxamed cabdi gaboose, 3- mujahid Boobe Yusuf ducaale, iyo qaarkale oo badan ,

 

wasiirada kale ee Madaxweyne siilanyo meesha ku koriyaa waa kuwa maanta horseedka ka ah fadeexada qaranka dul hogonaysa ee ku fashilmay labadii mashruuc ee ugu waa weynaa ee intii uu xukunka hayay Madaxweyne siilanyo soomara waa dhismaha labada Airport iyo mashruucii shirkadaha baadhista shidaalka oo isna fashilmay kaas oo aan markii hore lasoo marin golayaasha qaranka oo suuq madow ku soo galay hadana fashilmay ileen waa wax markiisii horeba xaaraan ahaaye!,

 

bal hadaba is bar bardhig hogaamiyahaas dhabta ah ee Madaxweyne Maxamed xaaji ibraahin cigaal hogaamintiisa iyo sida uu u fekeraayay iyo hogaaminta Madaxweyne Axmed maxamed siilanyo farqiga u dhaxeeya inta ay iska gudi karaan miyaan la odhan Karin waa nin qaran horumarkiisa marwalba ka fekeraayey oo dhisaayay iyo nin qabiilkiisa dhismihiisa ka fekeraaya oo ku mashquulsan oo qarankii doortayba ay kala weynaatay inuu dhiso qabiilkiisa! iyo qoyska uu kasoo jeedo!.

 

Aadan Axmed Nuur

khuurshe11@hotmail.com

Leave a Reply