Burco .Dadweyne Cabasho Xoogan Ka Sameeyay Magaalada Burco Xili Uu Ku Suganyahay Madaxweyne Siilaanyo .

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)Dadweyne danyar ah oo ay hore Wasaaradda Duulista Hawadu iyo maamulka Dawladda Hoose ay uga rareen  Madaarka Burco ayaa manta cabasho  xoogan ka  sameeyay garoonka diyaaradaha ee Burco .

Dadkan  jilicsan oo  ay hore Dawladu ugu balanqaaday in ay siinayso  dhul bedel  ka dib markii ay bilaabayeen Dhismaha Madaarka oo Hal Sano laga joogo ayaa sheegay habayaraatee wax dhul ah oo la siiyay in aaney jirin hoyna aaney haysan isla markaana eedayn kulul u jeediyay maamulka Dawladda Hoose iyo ka gobolkaasi ,waxaaney fariin u direen Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan gobolka Togdheer.

“ Waxaanu nahay dadkii danyarta ahaa ee laga raray Madaarka Rabadaantan Rabadaanteedii ,waxaanu nahay dad maato ah oo agoomo u badan iyo waliba naafo magaalada waxba kuma lihin waxaanu nahay marti ,15-bilood ayaanu dacwoonaynay wax alaale wax naloo qabtay ma jirto intaaba waa lala maaweelinaayay markaa waxaanu Dawladda ka codsanaynaa siiba Madaxweynaha in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatadda na haysata oo balanqaadkii dhulbedelka ee naloo sameeyay naloo fuliyo “ Sidaasi waxa tidhi Xaliimo Xasan Cabdi oo ka mid ahayd dadkan danyarta ah ee cabanaayay oo Saxaafadda la hadlaysay .

Oday Xasan Cali oo isna ka mid ah dadkan ayaa yidhi. “ Waxaanu u sheegaynaa Dawladda sare dadkan meesha joogaa in uu yahay dadkii Madaarka laga raray bishii Ramadaan ee hore ilaa xiligaas ayaanu barokac ahayn wax alaale wax nool qabtayna ma jiro dadkayagii sida wanaagsan u guuray sidii ayaanu Dawladda u eegaynay balantii naloo qaaday ee ahayd dhul bedelna lama oofin Maayirka iyo Badhasaabkuna way isu kayo dhiidhiibeen .

Sidoo kale Maxamuud Cawil oo isna ka mid ahaa dadkan danyarta ah ayaa hadalkiisa ku bilaabay” Anigoo ka mid ah dadkaas Cagafta la mariyay ee madaarka agtiisa degenaa walina wali waxaanu dulsaar ku nahay dad kale markaanu waynay cid wax noo qabata markaa waxaan malqi jiray miskiin ayaa misko la fuulo leh sidii ayay nagu noqotay Xukuumadda Kulmiye ,kii lacagta lahaa waa laga tegay ee madaarka degenaa daarihiisiina lama dumin markaa waxaanu ka cabanaynaa miskiinkana xoog-baanu u haynaa oo waanu ka adagnahay ,kii lacagta la,haana waanu ka baqaynaa oo rarimayno guryihiisuna way dhisnaanayaan “ Sidaasi ayuu aabahani hadalkiisa kaga baxay.

Geesta kale cabashadda dadkan danyarta ah ayaa ku soo beegantay xili uu Madaxweynaha Somaliland ku suganyahay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,isla markaana Daraato cabasho tan la mid ah ay sameeyeen Ganacsatadda Xoolaha Sayladda Burco  usoo iibgeeya ,taasi oo iyana dhcday intii Siilaanyo Burco Joogay .

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply