Burco : Fanaanka Weyn Ee Yuusuf Dheere Oo Socdaal Ku Yimi Magaaladda Burco ,Halkaasi Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)Fanaanka rug-cadaaga ah ee reer Somaliland Yuusuf Maxamed Xuseen (Yuusufdheere) ayaa socdaal hawleed  ku yimi magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Yuusuf Dheere oo ka soo kicitimay dalka debediisa oo uu mudo dheer ku noolaa ayaa markii uu soo gaadhay xarunta gobolka Togdheer ee Burco si diiran loogu soo dhaweeyay iyadoo laga hortagay Tuuladda Qoyta ee Waqooyiga Burco .

 Yuusufdheere

Abwaan Yuusuf Dheer ayaa ku sugnaan doona magaalada Burco mudo xoogay ah sida ay Burcomedia u xaqiijiyeen qaar ka mid ah masuuliyiintii soo dhawayntiisa ka qaybqaadatay isla markaana booqan doona meelo ka mid ah deegaamadda gobolka Togdheer  , inkastoo uu isagu sheegay  socdaalkiisa in uu ka  warbixin-doono mudo ka bacdi.

Yuusuf Dheere

Sidoo kale Yuusuf Maxamed Xuseen ( Yuusuf Dheere)  oo  ku nool Wadamadda Qurbaha  ayaa ka mid ah  bahda Fanka Somaliland ee qaybaha libaax ka ciyaaray Dabaaldegyadda iyo Xusaska Madaxbanaanidda Somaliland ee daafaha Caalamka ,waana mawaadin ay ku dheertahay Somalilanimadu isla markaana maaha markii u horeysay ee uu Yuusuf Dheere Burco yimaado .

Geesta kale  Fanaaniinta iyo abwaanadda Somaliland ee dalka debediisa ka imanaaya ayaa sanadadii u danbeeyay dalka ku soo badanaayay ,gaar’ahaan gobolka Togdheer.

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply