Burco. Qaar Ka Mid Ah Hooyooyinkii Ay Ka Geeriyoodeen Hal-doorkii Mujaahidiintii SNM Oo Dhaliil Xoogan U Jeediyay Xukuumadda.

Filed under: Latest News |

 

Burco-(BM)-Qaar ka mid ah Hooyooyinkii agoomaha ahaa ee ay ka geeriyoodeen Mujaahidiintii SNM oo dhawaan Xukuumadu ku xidh-xidhay magaalada Hargeysa ayaa ka dayriyay xaalado qalaf-san oo ku gadaaman iyo Tacadiyo ay Xukuumadu u gaysatay.

Sidoo kale Hooyooyinkan oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa dhaliil xoogan huwiyay  Safarkii Madaxweynuhu ku yimi magaalada Burco.

“ Anigoo ah Sahra Muuse Tawakal oo ah marwadii uu Mujaahid Maxamed Cali ka dhintay waxaan Xukuumadda u cadaynayaa markii aanu gobolka Togdheer ka tagnay ee aanu Hargeysa tagnay waxa na waday waxay ahayd baahi mucaarad-nimo namay wadin,oo xiitaa maanu qaramaysnayn,anagoo baahidayadii na waday ka hadlayna ayaa xadhig naloogu daray ,imika iyo haatana waxa weeye anagoo gobolkii Togdheer joogna ayuu Madaxweynuhu noogu yimi ,anagoo sidii u dolman oo uu shalay na-xidh-xidhay ayuu gobolka yimi noomuu yeedhin  ,isagoon noo yeedhin ayuu cararay oo xabaashii Maxamed Cali ayuu tagay ,bal waayee anoo xaaskiisii ahaa ayuu shalay na xidh-xidhay imanuu yeedhin oo imuu xaal marin ,markaa xabaalaha lagu wareegaayo ,miyaanay ahayn oo aaney ka horeynin in dadka nool  wax loo qabto haday tixgalini jirto ilayn anaguu Maxamed Cali naga tagee oo agoomo ahe ,marka labaad-na xabaalaha la siyaarto ? “ Sidaasi ayay hooyadani hadalkeeda kaga baxday.

Sidoo kale Hooyo Kinsi Yuusuf Maxamuud oo uu ka dhintay Muj.Ibraahim Jaamac Dhiif (Hayliqin) oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa .” Dhibaatooyinka na haysta 23-sanadood ayay na haysteen ,caruurtayadu wax ma barato ,musharooyin nalama siiyo ,markaanu dhibaatadda na haysata Madaxweynaha isnidha isoo bandhigana xadhig iyo tacadiyo ayaa naloo gaystay waaba wax nala taree markaa maalintii dhawayto ee Madaxweynuhu yimina isagoon xiitaa dhibtii naloogaystay naga raaligalin ayuu xabaalihii ragayagu ku aasnaayeen booqday ,markaa waxaanu leenahay Xukuumadda talada haysa hoos ha loo eego duruufaha nahaysta ilayn ragayagii waxay ay u dhinteen calanka maanta taagani ,waxaan kale oo aan halkan ugu mahad-naqaynaa Mujaahidiinta Madasha Wada Tashiga oo dhibaatadii iyo Xadhigii Hargeysa naloogu gaystay ,Noolka aanu Burco ku nimi naga soo bixiyay .

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Hooyo Saado Maxamuud Haariye iyo Qaali Yuusuf Axmed oo iyana ka mid ahaa hooyooyinka agoomaha ah ee ay ka geeriyoodeen Mujaahidiintii SNM ,waxaaney dhamaantood ugu baaqeen Madaxweynaha in uu cabashadooda iyo duruufaha haysta hoos u eego ,waxaaney dhamaantood u mahadceliyeen Mujaahidiinta Madasha wada tashiga iyo Madaxdhaqameed u gurmaday markii la xidh-xidhay.

Burcomedia.

Burco Office.

Leave a Reply