Burco . Shaqaalihii iyo Hawlwadeenadii Maxaliga Ee Genel Energy Oo La Filaayo In Ay Cabasho Ka Dhigaan Magaalooyinka Burco Iyo Hargeysa.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Shaqaalihii iyo Hawlwadeenadii goboladda Bari ee Shirkaddii baxday ee Genel Energy ayaa labadii cisho ee u danbeeyay ku soo qulqulaayay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer .

Sidoo kale Shaqaale hoosaadkan  Shirkaddan Sahaminta Shidaalka oo la lunsaday mushaharooyinkoodii ayaa  sida ay Burcomedia u xaqiijiyeen  doonaaya in ay cabasho la hortagaan xarumaha maamulka gobolka Togdheer iyo xarunta Madaxtooyadda.

Shaqaalahan ayaa la sheegay Lacagahoodii in ay Muquqmaasuqeen isla markaana ay Lunsadeen horjoogayaashii ay Madaxtooyaddu qortay ee Shirkadda Genel Energy ,kuwaasi oo markii ay ugaadeen in ay Shirkadu guurayso jeebadaha ku shubtay lacagihii ,shaqaale hoosaadka.

Sidoo kale waxa la sheegay Qandaraaslayaashii qoyska ahaa ee Madaxtooyadu qortay in ay Shirkadda ka hoos-shaqeeyaan in ay iyana qayb ka qaateen Lunsiga ,qaybo ka mid ah mushaharooyinka ,shaqaale hoosaadkan iyo waliba askartii waardiyayaasha ahaa .

Dhinaca kale marka laga tago cabashadan shaqaalaha waxaa iyaguna cabasho xoogan qaba dadkii ay shirkada Genel Energy degaanadooda, Beerihii iyo dhirtiiba ka xagaaftay ee xukumada Siilanyana ugu bushaareysay,kana dhaadhicisay in shidaal iyo kheyraad qaali ah oo ay dhiisha faqriga ku jebiyeen degdeg iyo sanad gudahii loogu soo saari doono.

Geesta kale dadweynaha ku dhaqan xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo maalmihii u danbeeyay iswaydiinaayay sida lama filaanka ah ee ay Somaliland uga baxday  Shirkadda Genel Energy ayaa ku sifeeyay in ay Xukuumadda Siilaanyo sabab u tahay ,maadaama ay hawlmaalmeedkii iyo shaqooyinkii Shirkadu gaarka u lahayd ay hadheeyeen Musuq-maasuq  xadhkaha goostay ,Isdabamarin iyo Qaraabakiil ay Xukuumadu ka danbeyso ,kuwaasi oo shicibkii deegaamadda ay hawshu ka socoto Shirkadda ka horkeenay.

Xukuumadda Siilaanyo ayaan soo marain Baarlamaanka Somaliland heshiiskii Sahaminta Shidaalka ee Genel Energy isla markaana suuq Madow kula soo heshiisay ,taasi oo maanta sababtay in ay dalka ka yaacaan ka dib markii ay shicibku arkeen ,sida Xukuumadu dalka shuruucdiisa ugu tumanayso .

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply