Burco War Ded Deg Ah : Raxmaad Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Magaalada Burco Iyo Nawaaxigeeda.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Roobab lagu qabawsaday ayaa Galabta ka da’ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo nawaaxigeeda.

Raxmaadkan oo bilaamay abaaro 3:00 Galabnimo isla markaana mudo saacad ah da’aayay ayaa si fiican u biyo dhigay gudaha magaalada Burco iyo deegaamadda ku xeeran ee ka xiga  dhinaca waqooyi  sida Qoyta iyo kuwa dhanaca galbeed .

Raxmaadkan oo ay dadweynaha reer Burco si balaadhan ugu diirsadeen ayaa habayaraatee aan gaysan wax khasaare ah isla markaana aan wadan wax dabaylo ah.

Roobabkan oo ay dadka iyo duunyadda ku dhaqan magaalada Burco si weyn ugu doogsadeen ayaa ku soo beegmay xili ay abaar kululi ka jirtay magaalada Burco iyo guud’ahaan gobolka ,taasi oo saamayn balaadhan oo dhinaca kulka ah ku yeeladay bulshadda iyo xayawaanka Ilaahay gobolkaasi ku uumay.

Geesta kale Roobkan magaaladda Burco maasheeyay  Ilaahay Mahadi ha ka gaadhee ayaa ku soo beegmay wakhti aanu Bilihii u danbeeyay gobolka Togdheer wax roob ahi  ka di’in isla markaana guryaha Burco Kulayl la galiwaayay .

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply