Cabdishakuur Cidin Wuxuu Noqday Nin Tigidh U goostay Riwaayad Sii Dhamaanaysa.

Filed under: Latest News |

Berbera(BM)-Waxaa la yaab iyo amakaag ku noqotay dadweynihii faraha badnaa ee bacadka iyo gaajo oo weliba rasaasi u dheertahay ugu codeeyay Cabdishakuur Cidin markii ay maqleen inuu ku biiray Kulmiye.

hadaba Cabdishakuur Cidin muu qadarin halyeeyadii Ucid ee u codeeyay inuu noqdo Duqa Magaalda Berbera, Sidoo kale muu qadarin Odayaashii ,Aqoonyahankii iyo waxgaradkii Gobolka Saaxil ee ku dagaalamy inuu noqdo Duqa magaalada Berbera.

 

Cabdishakuur Cidin oo sumcad iyo taariikh fiican ku laha Gobolka Saaxil,waxyaalaha aan kor ku xusay iyo waxyaalo kale oo aan ku soo bandhigi doono maqaalo dambe waxa uu siistay danno u gaar ah.

 

Hadaba ku biirista C/shakuur Cidin ee Kulmiye waxay la mid tahay nin

 

tigidh u goostay riwaayad sii dhamaanaysa.

 

Deeq Xasan Daahir

 

Xubin ka mid ah Dan iyo Duco

 

iyo Masuul xisbiga UCID

 

Tel:4104586

 

 

Leave a Reply