Cirro iyo Faysal Oo Si Wadajira Hadhimo-sharafeed Weyn Ugu Maamusey Xildhibaanada Xorta ah+mawaadiic Kale Oo Khusuusiya Hadhimada Dusheeda Lagu Gorfeeya.y!

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)-Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid ee Wadani iyo Ucid Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal cali Waraabe ayaa Hadhimo sharafeed balaadhan si wadajira ugu sameeyay Tobaneeyo Xildhibaan oo ay ku jiraan

sideedii Xildhibaan ee Golaha Wakiilada ee ka codeeyay xeerka Waddooyinka ee Qasriga madaxtooyadu dabada ka riixaayey, juhid iyo maaliyadna geliyey si uu ugu meelaro,runtiina siday rabeen buu fulay.

Munaasibadan hadhimada ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta sarsare ee labada xisbi mucaarid ee Wadani iyo Ucid iyo marti sharaf kale oo xilal kala duwan huwaanaa .Waxaa kaloo iyana hadhimada qeyb ka ahaa Gudoomiyaha madasha wadatashiga Xasan Guure Jaamac iyo saciimka madasha Xasan Ciise jaamac iyo xubno kale oo doora oo ka socday Madaha wadatashiga iyo toosinta qaranka.

Munaasibadan oo ahayd mid lag soo dhaweynaayey,looguna mahadnaqaayey xildhibaanada xorta ah ee ka badheedhay codkooda inay ku qaadacaan xeerka waddooyinka oo culays weyn ku ah shacabka,gaadiidlayda iyo ganacsatada xoolahaba ayaa dhanka kalane laysaga tacsiyadeynaayey nasiibdarada dhacday iyo xeerkan fool eriga lagu ansixyey ee madaxweyne Siilanyana degdeg iyo saacado gudahood qalinka ku duugay.

Geesta kale Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali waraabe oo Warfidiyeenka Qarannews khadka Telefoonka ku weydiiyey hadhimo sharafeedka iyo mahadnaqa xildhibaanada xorta ah ka sakow Nuxurka iyo Mawaadiicdii kale ee Hadhimada dusheeda lagu gorfeeyay ayaa sheegay in laysla naaqishey ama laysla meel dhigay arimo doora oo uu ka taabtaabtay Xaalada dalku maraayo,sidii amaanka dalka oo beryo dhaweyd khaakhuul galay loo sugi lahaa si wadajirana looga wada shaqeyn lahaa maadaba Axsaabta mucaaridka ah waajibka xukumada saaran mid la mid ahi saaran yahay,sidii cududa  mucaaridka loo mideyn lahaa isku aragtina u noqon lahaayeen,Sidii loo toosin lahaa warabka galay nidaamka iyo kooxdan yar ee keligeed taladii dalka ee la wadalahaa maroorsatey ee keligeed toocsanaysa ee dalka iyo dadkaba hadaanta aan u muuqan ka ridaysa,sidii loo xoojin lahaa loogana mideysanan lahaa mudaharaadyo dhawaan Axsaabta mucaaridku dalka ka oogi doonaan iyo sidii wadatashi qaran laysagu iman lahaa ee dalka iyo dadkaba looga badbaadin lahaa kooxdan yar iyo hadaantu ka lusho oo haddii aan si degdega looga gaadhin ama loo dabaqaban taladu faraha ka boodi doonto .

Ku darsoo wuxuu Faysal ku eedeeyay xukumada Siilanyo inay bulshadii walaalaha ahayd kala furfurtay oo xaalada dalku meel halisa marayso, duniduna markay aragtay sida xukumada Siilanyo wax u walaaqeyso dib inooga guratey, markii la arkay musuqmaasuqa dabarka iyo xadhkabaha goostay ee xukumada Siilanyo dhex dabaalanyso ee ay gadhwadeenka ka tahay ayaa wixii laynagu caawin lahaana laynagala maagey siiba dhaqaalihii wadooyinka iyo mashaariicda horumarinta loogu talo galay ayuu ku soo afmeeray hadalkiisii.

Qarannews

Leave a Reply