Dil Fool Xun Oo Xalayto Ka Dhacay Hargeysa Iyo Xukuumadda Siilaanyo Oo Gaabisay Ka Hortaga Falalka Dilalka Iyo Boobka Tuugta.

Filed under: Latest News |

 

Hargeisa-(BM)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa waxaa xalay fiidkii lagu toogtay Xaafada Dunbuluq wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cumar Badhaf.

Cumar Badhaf ayaa la sheegay inuu toogtay nin Bastoolad ku hubaysan, oo isla xaafadaas degan, magaciisana lagu sheegay Khadar Cali,wuxuuna sida xoguhu tibaaxeen ku riday hal xabad oo uu kala helay shafka.

Wiilka la toogtay oo dhaawaciisu ahaa mid halisa ayaa  loola cararay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa .

Isku soo wada duuboo waxaa sii kordhaya marba marka ka danbaysa kiisaska dilalka iyo falalka tuuganimadda ee caasimada Hargeysa ka dhaca Habeenkii tan iyo intii xukumada Siilanyo talada dalka la wareegtay.

Geesta kale Xukuumadda Siilaanyo oo u muuqada in uu calankeedii sii dhacaayo ayaa ku fashilantay in ay wax ka qabato ,Dilalka iyo boobka badheedhka ah ee  tuugta ee hadheeyay Caasimadda Hargeysa.

Waxaana dadka siyaasadda falanqeeyaa sheegayaan in ay iyadu falalkan ka danbeyso ,si wadanka khal-khal u galiso ,ka dib-na ay mudada kursiga u dheeraysato.

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply