Dood Adag Iyo Waab-hawleedyo Lagu Qaa-daa -dhigay Joojinta Qaadka Oo Maanta Ka Dhacdey Galbeedka Magaalada London By Cabdiraxmaan Fidhinle.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Sidaad la socotaan waxaa wadanka Ingiriiska lagaga dhawaaqey 3/7/13 in Qaadka la joojin doono dhamaadka sanadkan 2013.
Hadba Waxaa maanta ka dhacey Galbeedka Magaalada London shir-doodiisu dheeraatey iy waab-hawleedyo badan oo maskax-tuujin ah oo lagaga had-laayey oo lagu qaadaa-dhigaayey sidii loo caawin lahaa marka qaadka la joojiyo dadkii jilibka aastey ee caadeystey murqaanka qaadka ee qabatimey in ay cunaan geedka qaadka ah maalin kasta iyo weliba dadka iyagu ka ganacsada oo iyagu kasii ciqaab badan doona dadka cuna qaadka marka dhawaan Qaadka laga Joojiyo Cariga Igiriiska. Waxaa ay soo ban-dhigeen Saraakiisha ugu sareysa ee Ciidamada nabadgelyada ( police officers ) ee Galbeedka Caasimada London in marka qaadka la joojiyo cidii lagu qabto iyagoo sita ama ka ganacsanaaya in sharcigu uu u-qaban doono sidan hoose:

1- Waxay Saraakiishu shaaciyeen In Sharciga qaadku uu la mid noqon doono ama u-ekaan doono sharciga ingiriiska ee lagu xakameeyo daroogada sadexaad ee Igiriiska laga istic-maalo ee loo yaqaano ( Class -C Drags)
2- Qofka lagu qabto isaga oo sita ama cunaya inta qofku maalintii uu ku qayilo, in marka lagu qabto laga qaado oo digniin culus oo buuxda la siiyo.
3- In marka qoafka lagu qabto cadadka qofku maalintii uu ku qayilo- qof hore loogu qabtey oo digniin loo siiyey in mar-labaad lala tiigsado ganaax lacag gaadheysa ilaa iyo sideetan (£80 ) oo giniga istarliinka ah iyo digniin culus oo diiwaan gashan.
4- in hadii isla qofkii la ganaaxey lacagtaa sedeetanka ah lagu qabto qaad cadadkiisu dhan-yahay inta qofku uu ku qayilo in maxkabad loo gudbiyo oo la xidho.
5-in qofka lagu qabto qaad badan oo uu tahriib wadanka ku soo geliyey hadii lagu qabto isaga oo qacmaha kula jira in toos maxkamad deg-deg ah loo saaro oo lagu xukumo xadhig ka bilaab-maaya 2- ilaa iyo 14 sanadood, taa soo uu xadhigu ku xidhan yahay hadba miisaanka inta mi-jood ee qaad ah ee lagu qabto qofkaas.
Waxaa kale oo ay sarkaakiisha ugu sareeya ciidamada Aamaanka ee Galbeedka London ay kaga dhawaajiyeen in Qofka lagu qabto ee loo arko in uu ka ganacsanaayo Qaadkan wadanka laga mamnuucey in marka uu xadhiga soo dhameysto loo raacin doono isagoo wadanka looga diiwaan gelin doono Danbiile Qaran iyo isaga oo laga xakameyn doono in aanu u-safri karin wadamo badan oo reer galbeedka ah sida USA, Canada iyo qaar ka mid ah Galbeedka Yurub.iyo isaga oo ay ku adkaan doonto sidii uu shaqo u-heli-lahaa maa-daama Cariga Ingiriiska ay adag tahay qofka denbiilaha ahi sidii loo aamini lahaa ee shaqo loo siin lahaa.

Waxaa kale oo Madaxda Dawladaha hoose ee Galbeedka London ay soo jeediyeen:
– In intaan Dhamaan la joojin Qaadka in bilaha soo socda la joojiyo hal-isbuuc (week) si ay usii ogaa-daan Saameynta ay Joojinta Qaadku ay ku yeelan karto Jaaliyadaha Somaaliyeed ee degan Galbeedka magaalada London. Waxa kale oo ay Saraakiil badan oo maamula arimaha bulshada ee Galbeedka Caasimada London ay soo jeediyeen in ay dhamaantood diyaar u-yihiin sidii loo caawin lahaa dhamaan dadka uu saameeyo Joojinta qaadku marka dhawaan wadanka igiriiska laga Mab-nuuco Cunista iyo Iibinta geedka Qaadka.

Alleh Ayaa Mahad Leh!
Tusan iyo Tixgelin
Tebiye:Free-lance Somaliland Environmental Activiest
A/Rahman Fidhinle
Galbeedka Caasimada London
Email: fidhinle@aol.com

Leave a Reply