Dowladda Kenya Oo Dhexdhaxaadineysa Wadahadalladda Ethiopia iyo ONLF.

Filed under: Latest News |

Nairobi (BM)–Dhaxdhaxaadiyaal katirsan Dowlada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in Kenya ay gacan weyn kagaysanyso sidii is Afgarad buuxa loogu dhameyn lahaa Khilaafka uga balaadhan qarada Africa ee u dhaxeeya dowlada Ethiopia iyo Jabhadda ONLF.

Wadahadallada tooska ah ee u dhexeeya Ethiopia iyo ONLF ayaa waxa ay dib u furmi doonaan Bisha October, ee sandkaan 2013 sida laga soo xigtay Dhaxdhaxaadiyayaasha wadahadaladaasi.

Sanadkii tagay ayaa Kenya waxa ay marti gelisay wadahadal u dhxaeeya Ethiopia iyo Jabahada ONLF kaas oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Ergayga gaarka ah ee Kenya u qaabilsan  geeska Africa CAli Bunow Qorane,  ayaa sheegay in dowladda Ethiopia iyo Hogaamiyaha ONLF ay ku hishiiyeen in ay kulmaan si toos ah.

Wadahadalada Sanadkii tagay ee 2012 ayaa waxa fashilmay wadahadalo u dhaxeeyay Jabhada ONLF iyo Ethiopia kadib markii ONlf ay diiday in ay aqbasho Dastuurka dalka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa waxaa marar farabadan Haayada Xuquuqul Insaanka ayaa waxa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka Ethiopia in ay kutumato Xuquuqul Insaanka iyadoo dhanka kalana sidaasi si lamid ah loogu eedeeyay in ay galeen dambiyo ka dhan ah Xuquuqda aadanaha.

ONLF oo ah Jabhad Mucaarad ah oo kadagaalanta Ethiopia gaar ahaan Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxa ay dagaal kula jirtaa dowladda Ethiopia iyo Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee loo yaqaan New Polic, iyadoo xusid mudantahay in qayb ka tirsan Ururka ONLF ay ku biireen Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

 

Burcomedia.com

Burco Offic e.

Leave a Reply