Faalo: Madaxweyne Siilaanyo Muxuu Ka Qaban Doonaa Xaaladaha Adag Ee Ka Jira Gobolada Togdheer Iyo Daadmadheedh ? By Wariye Bashiir Ibraahim.

Filed under: Latest News |

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),  ayaa lagu wadaa in uu Maalinta Beri ah Socdaal Kusoo gaadho  Gobolada Togdheer Iyo Daadmadheedh  Kuwaasi Oo ay Ka Jiraan Xaalado Nololeed Oo Adag Oo Iyo Weliba Khilaafaad Kala Gegedisan, hadey noqoto duruufo ka taagan dhinacyada Arimaha Bulshada adeegyada aasaasiga u ah iyo arimo utumo ah oo tabashooyin is biirsadey ah oo kajira Deegaanadan iyadoo ay Xukuumada laga tabanayo arimo badan.
Hadaba nuxurka  Qormadan hadaan ku iftiimyo arimahaasi iyo  Falanqaynta dhinaca Dadweynaha ee Todobaadadii u dambeeyay waxeynu ku daah furi doonaa Guud ahaanba  caqabadaha cabashooyinka hor yaala Madexweynaha.
Haddii   Aynu Ku Eegno  Gobolka Togdheer  wuxuu ka mid yahay Gobolada Uuga baaxada Weyn, Bulsho Badanina Ku Nooshahay. Waxaana Gobolkan Lagu Tilmaamaa Mid Xasaasi ah  Oo La Sheego In uu Gabood U Noqon karo Ama Ay Ku Dhuuman Karaan  Kooxaha Lidka Ku Ah Amaanka Iyo Xasiloonida Somaliland .
Waayadii U danbeeyey Xukuumada Somaliland  Waxay sheegaysay in Ay Wax Ka  Ka Qabatay Gobolka Togdheer marka  laga hadlayo Adeegyo Badan oo Nolosha Aasaasi u Ah oo ay Ka Mid yihiin Biyaha , Waxbarashada, Caafimaadka, Airport ka  Iyo Lacagtii Oo Burco laga Bedelay. Laakiin Taasi Waxaa Barbar Socda Waxyaabo Badan oo Bulshada Gobolkan Cabasho Ka Muujiyaan  una  Baahan In madaxweyne Siilaanyo Wax ka Qabto Maadaama Uu Xiligan Ku Soo Fool Leeyahay Gobolkan Togdheer.  Waxyaabahaasina Waxaa Ka Mid ah
1. Garsoorka Iyo Cadaalada Gobolka Togdheer Oo La Sheego Inay  Marayso Abid Halkii Uugu Darnayd Laaluushka Iyo Cadaalad Daraduna Tiro Beeshay. Sida Loo Kala Lacag Badan Yahayna Loo Kala Gar-helo
2. Shaqo La-aan Baahsan Oo Saamaysay Da,yarta Aqoonyahanka ah Ee Gobolkan Ku Nool Kuwaasi oo Nolosha Quus ka Jooga Inta Badana Isku Biimeeya Badaha Iyo Saxaraha, ee tahriibu saldhiga u tahey.
3. Khilaafaad Fara Badan Oo Salka Ku Haya Sahamintii Shidaalka  Iyo Dhul Daaqsimeed ay xaalufiyeen shirkadihii shidaalka baadhayey.
4. Ciyaaraha Iyo Ciyaartooyga Gobolka Togdheer oo baaba-ay  Tan Iyo Markii Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Kala Diray Masuuliyiintii Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobolkan, Taasina ay Dhalinyarada u Horseeday Isticmaalka Balwadaha. Welina Arrintaasi Ciyaaruhu Waa Mid Taagan oo u Baahan In La Xaliyo Si Loo Walaaleeyo Ciyaartooyga Gobolka.
5.  Dadka  La Hayb Sooco, iyo qeybo kamid ah Bulshada Gobolka Togdheer Oo Sheegaya In aan Fursadaha Shaqo Si Siman Aan Loo Qaybin.
6. Golaha Deegaanka Burco oo Khilaafaad Hadheeyey Taasina Ay Saamayn Ku Yeelatay Adeegyadii  Dawlada hoose U Qaban Jirtay Bulshada.
7. Xaalada Cusbitaalka Burco Oo laga Soo Dayrinayo Ka Dib Adeegyo Badan Oo Bilaash ahaa markii ay gacanta ku haysey Maamulka Cusbitaalka Hay,adii  Msf Cusbitaalka Joogtay Oo Hada Lacag Noqday Sida Shaybaadhka, Daawooyinka, Iwm. Iyo Xaalada Jeelka Waalida Burco Oo aan Fiicnayn
Gobolka Daadmadheedh: Baahiyaha Ka Taagan Waxaa Ka Mid ah:
1. Dhismayaasha Jeelka Weyn Ee Oodweyne oo Hore xukuumadu Uugu Balanqaaday Balse aan Hirgelin  Iyo Weliba  Saldhig booliiska
2. Biyo- La-aan Aad u Xun Iyadoo Dadku Dooxa Ka Cabaan Khatarna ay U Yihiin In Xanuuno Ay Ka Qaadaan
3. Adeegyada Caafimaadka oo Liita Iyadoo Cusbitaalka Oodweyne  Ay Haystaan Caqabado Tiro Badan, Sida Laydh la-aan, Qalab La-aan Iyo Daawooyin yar.
4. Waxbarashada Oodweyne oo Hoosaysa Tayadeeda Iyo Taakulayn La-aan.
5. Dhulka Deegaanka Oodweyne oo Xaalufin Balaadhan Ay ku Hayaan, Iskaashatooyinka  Dhuxulaysatada ahi Saameyseyna Guud ahaanba Deegaankaasi.
6-iyo Taakulooyinka Dhinaca Xukuumada ee Gaadiidka Maamulka ka adeega Caafimaad ee Gurmadka Degdega ah ee Loogu deeqay Gobolada Qaarkood oo aan Waxba laga Soo gaadhsiin iyo arimo kale oo badan.
Sikastaba aha ahaatee Madexweyne Siilaanyo oo tan iyo intii uu hayey Talada Dalka Somaliland socdaalkani u noqnayo kii sadexaad ee Noociisa ah.

Bashiir Ibrahim

Burco

Leave a Reply