FADEEXADA KA DHACDAY MADAARKA HARGWEYSA WAA TII ADUUNKA UGU XUMEYD WAXAANA MASUUL KA AH WAA MADAXWEYNE SIILAANYO!!‏ By Daahir Xuseen.

Filed under: Articles-Maqaallo |
Ugu horeyn  waxaan  salaamayaa  saxcaafada  somaliland iyo guud  ahaanba akhrsitayaasha  sharafta  leh.
Ka  dib  waxaa  dhawaan  dowladaha  carabtu  ay  inoogu  deeqeen  lacag tiradeedu  aheyd $10 milyan oo dollars.
Si  aynu  meelaha  muhiimka  ah  ee  dadweynaha  noloshooda  saameynta  ku  leh  wax  looga  qabto, sida  biyaha, wadooyinka, madaarada,IWM.  waxa  kale  oo  iyana  la  filaayey  in  wali  mucaawimada  dowladahaasi  sii  socdaan,  balse  nasiib  darada  ugu  weyn  waxaa  weeyey  xukumad  ku  sheegta  uu  siilaanyo  hogaamiyo  oo  xadhkaha  musuqmaasuqa  goosatey, sababtoo  ah  waxaa  jirta  in  ninkii  dalka  loo  doortey  uu  isagu  xalaaleeyey  in  cidkasta  ay  waxey  doonto  lunsato, taasina  waa ta  maanta  keentey  in  uu  wasiiradiisu  lacagtey doonaan cunaan  cidina  waxba  weydiin, tusaale  ahaan,  wasiirka  madaxtooyadu  waxa  uu  maamulaa  sharkado iyo  hey’ado  aanu  awood  ahaan  shaqo  ku  laheyn  balse  ah  in  maamulkii  iyo  dowladnimadii  la  galiyo  qaraabo kiil, wasiirka  maaliyada  isna  waxa  uu  lunsadey  malaayiin  dollars, oon cidi  waxaba  weydiin, waxsi  oo  dhana  waxaa  masuuliyadeeda  leh  waa  madaxweynaha  lagu  hungoobey  ee  siilaanyo.
Hadaba  arinta  ugu  foosha  xun  een  abdi  xitaa  wadamada ay  ka  taliyaan  kaligood  taliyaasha  aduunku  kama  dhacdo  in  qof  ama  masuul  si  cad  u  xalaashado  hanti  qaran,  waa  wax  runtii  murugo  xanaabrsan  in  madaarka  hargeysa  oo  loo  qoondeeyey  lacag  ka  badan  $5 milyan dollars  in  ay  maanta  la  yidhaado  waa  hungo  madhan, waana  wax  loo  baahanyey  in  ay  ummada  somaliland  ama  reer  hargeysa  arintaasi  ka  dhiidhiyaan.
Codsigeygu  waxaa  weeyey, culumo-diinka, aqoonyahanka, dhalinyaradaba, arintan  waa  arin  xun  oo dalkii, sumcadiisii  iyo  dhaqaalahiisba  la  burburiye, markaasi  waa  in  aydaan  waxba  xeerin, ee  waa  in  aad  miidaanka  keentaan, wasiirka  duulista  iyo  madaxweyne  ku  sheega  siilaanyo, sababtoo, ah  wax  uu  xitaa  mugdi  galiyey  maanta  mustqabalkii  dadkan iyo dalkan,  mana  jiri  doonto  cid  danbe  oo  shilin  lacag  ah  somaliland  siisaa, sababtoo  ah  tii  la siiyey  ayaa  la  iska  leexsadey, xitaa  Ethiopiankii  ayaa  sheegey  oo  yidhi  lacagtii  waa la xadey, nin  madaxweyne  sheeganaya  ee dulmigaasi  iyo  tuugnimadaasi  difaacaya  maanta  ee  guriga  uu  dhex  fadhiyo  kaasi  la  joogaa  cidhib malahan  isga  iyo  waxa  la  joogaaba  ee  waa in dalka  laga  qabtaa, wax  kasta  ha  ka  dhacaan  yaan  ummada  xoolaheeda  lagu  xalaashan  nabad  been  ah  oo  hantidii  ummadu  laheyd  lagu  xalaashey, ardeyda  jaamacadaha  iyo  iskuuladu  waa  in  ay  ku  baaqaan  mudaharaado  ceebta  siilaanyo  lagu  bidhaamiyaa,
WQ: Tahir hussein(xumandiid)
Email:waayo_aragman@yahoo.com

Leave a Reply