Fashilka ku Yimid Wasiirka Duulista Waxaa Daweyn Kara Isagoo Is Casila, Gudi Baadhitaana Loo Saaro By Faruusa Cali.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo lacago badan ku qaatay dib u dhiska madaarka caalamiga ah ee  Cigaal, ayaa waxay noqotay lacagihii aadka u badnaa ee uu ku qaatay dib u dhiska madaarka caalamiga ah ee  Cigaal hal bacaad lagu lisay, kadib markii uu wasiirku ku fashilmay in uu fuliyo balanqaadkii uu u sameeyay umada Somaliland ee uu ku sheegay in madaarka Hargeysa si wanaagsan loo dhisi doono,iyadoo mudo 2 sanno ah uu xidhnaa madaarka Hargeysi.

Mushkiladihii ka soo gaadhay dadweynihii reer Somaliland ee ahaa qurba jooga ayaysan jirin wax loo dhigaa iyadoo la ogaa inta maal mood ee dad tiro badan oo qurba joog ihi ku xanibneen madaarka hargeysa kadib markii diyaaradii Itoobiya airline diiday inay soo fadhiisato madaarka Hargeysa sabab ay masuuliyiinta diyaaraduhu ku sheegeen inay garoonku yahay mid la macmalay oo aysan soo fadhiisan kari  diyaarada weyn ee Itoobiyaan Airline.

Arintan ayaa waji gabax weyn ku noqotay xukuumada uu hogaamiyo Siilaanyo oo mudo dheer ku faanaysay madaarkii ayaanu dhamaynaynaa oo waxaanu ka dhigaynaa caalami, inkasta oo dad badani ay rumaysan yihiin kol hadii uu wasiirkii duulistu ku fashilmay in uu fuliyo balanqaadkii uu ku qaatay lacagaha aadka u badan ay fashileem in uu xilka uu qaranka u hayo iska casilo.

Sidoo kale dadka ka faalooda arimaha siyaasada ayaa waxay aaminsan yihiin in hadii uu madaxweyne Siilaanyo daacad ay ka tahay oo uu isagu maamulo talada dalka waxay noqonaysaa in xilka laga qaado kadibna gudi madax banaan oo fadeexadaasi ka dhalatay garoonka diyaaradaha loo saaro si ay u soo baadhaan musuq maasuqa la sheego in uu ku kacay wasiirka duulsita Maxamuud Xaashi Cabdi.

Fardoussa Ali

fardoussa.ali@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply