Gaadiid Kolonyo Ah Oo Uu La Socday Madaxweynaha Somaliya Oo La Weerayay Iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo Beeniyey Warkaasi.

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)Wararka aan ka heleyno deegaanka Buufow ee Gobolka Sh/hoose ayaa ku soo warramaya in Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud halkaasi lagu weeraray.

Weerarka ayaa ku bilowday Miino la kacday Mid ka mid ah Gaadiidkii la socday Kolanyada Madaxweynaha iyadoo sidoo kale weerar socday Muddo 20 daqiiqo ah ay ku soo qaadeen Kooxo hubeysan Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa ku sii jeeday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay ugu socdeen dhex dhexaadin loo sameynayo beelo Walaala ah oo dhawaan ku dagaalamay gobolkaasi Sh/hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka weerarku ka dhacay ayaa kusoo warramaya in haatan halkaasi ay isku geedaameen Ciidamada AMISOM , islamarkaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay gaareen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose.

Dhanka kale Afhayenka Madaxtooyada Soomaliya Injineer Yiriisow ayaa sheegay in ay been abuur tahey arinta weerarka ee madaxweynaha Somaliya ee ay sheegateen Al-shabaab in ay ku guben baabuur dagaal ayna jiraan oo kaliya shil gaari ooh al askari ku dhintey.

 

Burcomedia.com

Muqdisho.

Leave a Reply