Gabadh Somali Ah Oo Dhalashada Ingiriiska Haysata Oo Ku Lug Beeshay Weerar La Doonayay In Lagu Khaarajiyo Wasiirka Daakhiliga Masar.

Filed under: Latest News |

Cairo, (BM):- Gabadh 16-jir Somali asalkeedu yahay, laakiin dhalashada dalka Britain haysata oo wax ka baran jirtay dalka Masar, ayaa dhaawac culusi ka soo gaadhay, mid ka mid ah lugaheeda, waxaana Deeqa Hassan ka mid ahayd, labaatan qof oo ku dhaawacmay weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado, wasiir ka tirsan xukuumada Masar tan iyo intii xukunka laga tuuray, Madaxweyne Maxamed Murzi.

Weerarkan oo ka dhacay magaalada Qaahira dhinaceeda waqooyi ayaa lala eegtay wasiirka iyo kolonyadii galbinaysay hasa yeeshee waxa ka badbaaday wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Masar Maxamed Ibrahim.

Deqa Hassan oo waalidkeed la joogtay dalka Imaaraatka bishii hore ayaa cabsi wayn ka qabtay xaalada ammaan ee dalka Masar, waxaanay wakhtigaas bogeeda Twitter-ka kaga hadashay cabsida iyo werwarka ay ka qabto xaalada nabad galyo ee dalka Masar oo wax barasho loo geeyay.

Gabadhan yar oo la geeyay cusbitaal ama xarun caafimaad oo ku taala xaafada Nasar ee qaraxu ku haleelay, ayaa si wayn lugaheeda mid ka mid ahi ugu dhaawacantay weerarkaas waxaanay u badan tahay in ay lugtaas waydo.

[Waxaan la socday saaxiibaday, markii aanu koonaha waddada ka maqalay qarax wayn oo culus, ka dibna waxaan ku dhacay meel sibidh ah.] Sidaa waxa tidhi Deqa Hassan oo cusbitaalka warfidiyeenada kula hadashay.

Daqa Hassan ayaa sheegtay in xaaladu khalkhal gashay, dadka oo dhamina is dhex yaaceen, laakiin labo ka mid ah boolisku ay caawiyeen oo sidaa lagu keenay cusbtiaalka.

 

Source Somalilandnew.

Leave a Reply