Golaha Amaanka Ee Qaramadda Midoobeyn Oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Dhexmaray Dawladda Somaliya Iyo Maamulka Jubba .

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay isla markaana taageeray heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku kala saxiixdeen Dawladda  Soomaaliya iyo maamulka Jubba bishii hore .

Xubnaha golaha amaanka ee QM ayaa labada dhinac ugu baaqay inay meel mariyaan qodobbadii lagu heshiiyey si nabad iyo maamul wanaagsan looga islaaxiyo gobolada Jubooyinka.

 

Golaha ayaa u mahadceliyay dowladda Itoobiya iyo urur goboleedka IGAD oo ay sheegeen inay dadaal badan ku bixiyeen sidii heshiiskan ay u gaari lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo maamluka Jubba.


Dhinaca kale, Golalaha ayaa sidoo kale cambaareeyey qaraxyadii ay Al-shabaab ka geysteen bishan maqaayad ku taalla Muqdisho iyo kii ka dhacay Kismaayo ee lagu weeraray Sheekh Axmed Madoobe iyagoo dhinaca kale taageeray howlgalka AMISOM.

Weeraradaas waxay ahaayeen kuwo argagaxiso oo dhibaato loogu geystay shacab aan waxba galabsan oo Soomaaliyeed, waxayna qayb ka yihiin dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay golaha amaanka ee QM.

 

Geesta Golaha ayaa wuxuu ugu baaqay dhinacyada ay khuseyso inay ilaaliyaan cunno-qabteynta dhoofinta dhuxusha ee uu horay ugu soo rogay Soomaaliya si loo ilaaliyo madax banaanida dhuleed iyo nabadgelyada dalka.

Burcomedia.com

Muqdisho .

Leave a Reply