Gudoomiyaha Madasha Wadatashiga Xasan Guure Oo Jawaab Ka Bixiyey Eedo Siilanyo Ujeediyay Madashooda.

Filed under: Latest News |

Hargeysa-(BM)-Gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac ayaa jawaab culus ka bixiyey dhaliilo  iyo eedo culculus oo uu madaxweyne Siilanyo doraad maruu furaayey kuliyada ciidamada Darar-weyne tunka u saaray  madasha wadatashiga ee Xasan uu gudoomiyaha u yahay.

Ugu horeyn wuxuu Xasan Guure sheegay inaan siyaasiyiinta ku bahoobay madashoodu kaba hadalba qadiyada shirkada Genel Energy iyo Ethiopian Airline ee Siilanyo ku eedeeyay balse wuxuu sheegay inay hadda iyo wixii ka danbeya soo bandhigi doonaan wixii cadaymo ah ee ay ka hayaan qadiyadaas.

Xasan Guure wuxuu sheegay inaan Golayaasha qaranku wax xogga ka hayn heshiiska Genel Energy dalka ku timi,wuxuuna ku tirtirsiiyey madaxweyne Siilanyo intuu u jawaabayo madashooda in looga fadhiyo inuu heshiiyada xukumadiisu gashay horgeeyo golayaasha Qaranka,wuxuuna Xasan intaas raaciyey inaanay ogeyn iyaga iyo shacabkuba markay shirkada Genel Energy dalka timi iyo markay dalka baxday midkoodna.

Hase yeeshee wuxuu Xasan Guure sheegay inay hadda uun ogaadeen sababtay u baxday shirkada Genel Energy oo tilmaantay in ay la soo deristay nabadgelyo daro, taasna waxaan filayaa inaany been ka sheegayn ee waynu ognahay ilaa maalintii ay timid ilaa manta waxa ka taagan.

Geesta kale wuxuu Xasan Guure dhaliilo u soo jeediyey madaxweyne Siilanyo iyo  masuuliyiinta qaranka u sareysa oo uu sheegay inay dhamaantood Siilanyo wada raaceen oo caasimadii dalka cidleeyeen oo ka wada maqan yihiin,isagoo ka hadlaaya arintaasna wuxuu yidhi “Dalka yuu kaga tegay madaxweyne Siilanyo,waxa la sheegay in wasiiradii oo dhami raaceen, maalintuu baxaayo xataa Agaasime kuma hadho xafiisyada Dawlada,isagay wada raacaan”.

Isku soo wada duuboo wuxuu Xasan Guure xusay in markii talada dalka uu la wareegay Siilanyo ay Somaliland lahayd saaxiibo (Dawlado) waaweyn oo u hanqal taagayey inay na icitirafaan sida dawladaha UK iyo Itoobiya oo aad inoogu dhawdhawaa balse wuxuu sheegay Xasan Guure inaaneynaan labadoodna midna hayn manta.

 

Burcomedia.com

Leave a Reply