Kooxda Al-shabaab Oo Ku Sifeeyay Shicibkii Ay Xasuuqeen Jawaasiis Islaamka Lid Ku Ahaa .

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)-Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerardii qaraxyada ahaa ee ay ku qaadeen shalay maqaayada The Vilagge ee magaalada Muqdisho ay ka gaareen ujeedadii ay ka lahaayeen.


Abuu Muscab ayaa intaa ku daray in maqaayadaas ay leeyihiin dad xiriir la leh sirdoonka ingiriiska ee MI-5, ayna kulamo ku yeelan jireen kooxo uu ugu jawaasiis ui shaqeysa cadowga Islaamka.

“Weerarkaas waxa uu ahaa mid ay si aad ah uga soo shaqeeyeen sirdoonka Mujaahidiinta Goobta aan beegsanay waa meel jawaasiistu ku kulmaan oo ay isku arkaan waa meel muslimiinta dhagaro loogu maleegayay, aadna loo ilaaliyo” ayuu yiri Abuu Muscab.

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay iney sii wadi doonaan weerarada noocan ah illaa dalka ka saaraan wax uu ugu yeeray cadowga soo duulay, isagoo dhinac kale aan soo hadal qaadin shacabkii ku go’ay weeererkaas.

Geesta kale In ka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay, halka dad 60 gaarayana ay ku dhaawacmeen weeraro loo adeegsado qaraxyo oo ay fuliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey iyo nin miineysan oo shalay ka dhacay Baar village iyoi barxada dhinaca ku heysa ee iskaashatooyinka.

 

Burcomedia.com

Muqdisho.

Leave a Reply