Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wafdigi Uu Horkacayey Oo Gaaray Cariga Maraykanka.

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Maryakanka ka dib markii ay dhameysteen labo maalmood oo ay ku sugnaayeen magaalada Roma.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Inj. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in madaxweynaha uu dalka maraykanka kula kulmi doono madaxda dalkaas, mas’uuliyiin ka tirsan Senate-ka iyo jaaliyada Soomaalida.

Yariisow ayaa intaasi ku daray in madaxweynaha Xasan Sheekh uu maalinta bari ah khudbad dheer ka jeedin doono xarun laga sameeyo daraasadaha caalamka oo ku taala dalka Maraykanka isagoo xusay inuu tagi doono magaalada Ohio ee dalka maraykanka halkaasi oo uu kulmi doono xildhibaanada la soo doorto gobolkaasi iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.

“Madaxaweynaha Soomaaliya wuxuu 22-ka illaa 23-ka bishan magaalada New York kaga qeyb gali doono shirka golaha loo dhanyahay ee QM oo sanadkiiba mar la qabto isagoo sidoo kale ka qeyb galaya casho uu madaxweynaha Maraykanka Barack Obama u sameyn doono madaxweynayaasha ka qeyb galaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM.” ayuu intaa ku daray afhayeenka madaxtooyada Somalia.

 

Burcomedia.

Muqdisho Office.

Leave a Reply