Madaxweynaha Somaliya Oo Baajiyay Safar Uu Ugu Baqooli La’haa Wadanka Kenya.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada New-york ee dalka Mareykanka ayaa baajiyey safar uu ku tagi lahaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka dib markii uu ka cudurdaartay Madaxweynaha Kenya inuu qaabilo Madaxweynaha Soomaaliya.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Radio Dalsan ayaa waxa uu u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh safar uu ku tagi lahaa dalka Kenya uu baajiyey ka dib markii uu sidaasi dalbaday Madaxweynaha Kenya oo ka cudurdaartay inuu qaabilo Xasan Sheekh sida uu safiirku sheegay, wuxuuna intaasi ku daray in Madaxweyanaha Kenya uusan faahfaahin sababta.

“Waxaa la baajiyey oo dib loo dhigay safar uu xalay dalka Kenya ku imaan lahaa Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Saheekh oo hadda ku sugan dalka Mareykanka, si rasmi ah looma oga ujeedada loo baajiyey safarka Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa jira in Madaxweynaha Kenya uu dalbaday in dib loo dhigo safarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaasna hadda uusan qaabili-karin Madaxweyanaha Soomaaliya iyo wafdigiisa” ayuu yiri safiir Maxamed Cali Ameerio.

Si kasta oo ay ahaataba arrinkan ayaa waxay soo shaacbixinaysaa khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in Madaxweynaha Kenya markii uu u mahadcelinayey dalalkii ka xumaaday weerarkii Westgate, isla markaasna ka tacsiyeeyay oo la hadlay uusan ku soo darin Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sedex jeer la hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, lamana oga sababta uu ugu soo diri waayey dadkii uga tacsiyeeyay mashaqadii ku dhacday dalka Kenya.

 

Burcomedia.com

Leave a Reply