Madaxweyne Siilanyo 80 Jir Aan Ciil iyo Qabyaalad Ka Korin By Daahir Xuseen.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  guud  ahaanba  bahda  saxaafada  Somaliland,ASCW.

 

 

Ka  dib  tan  iyo  maalintii  la  doortay  madaxweyne  siilaanyo  waxaa  maalinkasta  ummada  ay  maqashaa  waxey  la  yaabaan  oo  runtii  yaab  galiya  dadka  inta  xumaandiidka  ah  ee  samadoonka  ah  waxaana  inta  badan  ay  ka  yimaadaan  naxdimaha  iyo  qoomamadu  waa  hogaamiyahii  dadku  doorteen  ee  lagu  hungoobey  waa  madaxweyne  axmed  maxamed  maxamuud  siilaanyo.

 

Dhaqamada iyo  siyaasadaha  uu  dadkii  doortay  iyo  kuwii  kalaba  baday  waa  habka  qabiilka  iyo  eexda  oon  ummada inta  badan  ay  ka  foyoobaayeen, rajadooduna  aheyd  maalin  maalmaha  ka  mid  ah  ayuu  iman  doonaa  qof  aqli  leh, ilbaxna  ah  oo  dadka  iyo  dalka  u  horseeda  horumar, sinaan, cadaalad,  iyo  mustaqbal  danbe  oo  da’yartu  higsato, balse  hogaamiye  siilaanyo waxa uu dalkii  ku  soo  kordhiyey,

 

a) Eexasho iyo  in  uu  tolkiina  mideeyo,ilaaliyo, isku  duubnidooda,  wasiiradooda,xilalka  ku  daayo,  awooda  gaara  uu  siiyo  wasiirada  ay  isku  heybta  hoose  yahiin, mar  qudhana  aanu  xilka  qaadista  ku soo  darin  wasiir  ay  isku  heybyahiin, sad bursiin heybtiisa  hoose, dhaqaaleyn  hoose  jufadiisa,  ceebtooda ,hanti  lunsigooda  oo  uu  ku  hagoogto, oo  sharcigii  dalka  iyo  ummada  u  yaaleyna  uu  u  xalaaleeyey  in  ay  sidey  doonaan  ka  yeelaan, waa  yaabka  yaabkiise    ma-ta’saa  la  filaayey  qof  ceynkan  qabiilknimada  u  aaminsan  waliba  dadka  walalaha  ah  sii  kala  gurey, ilaa  qabiilkiisa  mooyee  kuwii  kale  dagaal  cad  ula  badheedha  isgoo  huwan  sharaftii  iyo  karaamadii  dadku  saareen.

 

b) Siduu  qabiiladii  kale  ee  somaliland  ahaa  u  galey, waxa  uu  sameeyey  in  uu  ka  soo  xushey  wasiiro, iyo  jagooyin  hoose,  waxanu  reer  kasta  ka  xushey  mid  uu  isticmaali  karo  oon  hortii  magac  iyo  maamuus  laheyn  waxaanu ugu  hanjabey in  uu  xilalka  ka  qaadi  doono  hadey  u  socon  waayan  sida  uu  rabo, waxa uu  beelahii  kale ka shaqeeyey, isku  dirkooda, isagoo  u  adeegsanaya  cashuurtii  ay  iyagu  bixiyeen,  in  uu  isku  diro  coleysiiyo,  jabkoodana uu ku  farxo.

 

c)  Waxa  uu  ka  shaqeeyey  colaad  iyo  is  nacsiis   uu  dhex  dhexdhigo  cidaan  beeshiisa  aheyn , waxa  uu  si  xowli  ah  u  lunsadey  hantidii  ummada, waliba  waxaa  la  Odhankaraa  ujeedada  madaxweyne  siilaanyo  waxey  aheyd  in  uu beeshiis  hoose  dhaqaale  u  raadiyo  balse  ma  aheyn  in  uu dalkan  iyo  dadkan  wax  ku  soo  kordhiyo ayaan  Odhankaraa  markaan  eego  habdhaqankiisa  guracan.

 

Hadaba  markaad  eegto  habdhaqanka  guracn  ee  Odeyga  uu  dalka  ka  wado waxaa  la  odhankaraa  waa  hogaamiyahii  ugu  liitey  abid  ee  soo mara  dalka  guud  ahaan  somalida  marka  laga  reebo  hogaamiyaha  ismaamulka  somalida  cabdi  cumar  iley, oo  laftiisu  ah  nin  qabyaalada  aad  ugu  shaqeeyey.

 

Siilaanyo  waa  nin ( 80) jir  ah  oo  wali  qabyaalada  jecel  cimri  tageyna  ceeb  ku  sabootiyi raba  , waa  ninweyn  oo  Aakhira  ka  doortey  daarta  aduunyo,  waa  nin  weyn oo  khiyaaamo  iyo  been  siyaasad  moodey,  waa  nin  weyn  diinta  islaamka  beeneeyey, sababtoo  ah  qofku  haduu, been  sheego, khiyaamo sameeyo,xaaraanta  xalaashado  maahan  islaam  , culumadana  weydiiya.

 

 

Siilaanyo  waxa  uu  dalkii   u  horseedey  qabyaalad  iyo  qoloqolo,  waxa  uu  baabiiyey nidaamkii  xisbiyada  ka  dib  markuu  xisbigii  kulmiye  iyo  dowladiiba  ka  dhigey  meel  reer  leeyahiin,  kuna  taliyey  in  lagu  kala  guuro,dadka  siyaasda  ka  faalooda  ayaa  wax  yidhaadaan    hanka  siilaanyo  ma  dhaafsiisneyn in  la  yidhoodo  reerkiinaa  madaxweyne  noqdey  manuu  aheyn  ayaa  la  yidhaada  hogaamiye  siyaasad  aan  qabiilnimo  ku  dhisneyn  dhaafsiina.

 

 

 

Hadaba  shacabka  somaliland    waa  in  ay  hogaamiyahan  fashilmey , dalkii  iyo  hantidii ummada, dadnimadii, waxwalba  baabiiyey ka tashadaan  lana  raadiyaa  in  meesha  laga  tuuro  oon  lana  ogolaani  in  uu  maalin  doorashada  ku  darsado  waayo  ummada  maahan  in    uu  sii  hor  fadhiyo 80 jir  qabiileyste ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

Wq: Tahir hussein (xumandiid)

 

 

 

(waayo_aragman@yahoo.com

Leave a Reply