Masuuliyiinta Gobolk Togdheer Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Shilal Baabuur Oo Ka Dhacay Bariga Burco Iyo Sababaha Xukuumadda Taagtadaran.

Filed under: Latest News |

Burco (BM)Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle iyo Taliyaha ciidanka wadooyinka Burco Cabdilaahi  Soo Fadhiiste ayaa markii u horeysay sharaxaad ka bixiyay Shilal baabuur oo is-daba joog-ahaa oo dhawrkii cisho ee u danbeeyay ka dhacaayay Jidka Laamiga Bariga gobolka Togdheer iyo sababaha keenay .

S4770002

Masuuliyiintan ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo ay warfidiyeenadda kula hadleen gudaha magaalada Burco ,waxaaney ka dayriyeen dhibaatooyinka ka jira wadooyinka ,waxaaney sidoo kale baaq u direen gaadiidlaydda ka howlgala gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa .
” Shilkaasi baabuur ee dhacay Jimcihii waxa uu ka koobnaa laba baabuur oo isku galay habeenimadii wadada Beer iyo Yiroowe u dhaxaysa ,ciidanka booliskaana igu wargaliyay in shilkaasi dhacay ,isla laba gaadhi oo kale oo khasaare badan gaystay ayaa isku galay Laamiga ,isla Sayladda Burco Gaadhi ayaa ku dhacay ,Mid kale-na kala- Sharka ayuu ku dhacay  markaa shilalkaasi kuwii gobolka ugu badnaa ee ka dhaca ayay ahaayeen waanu u gurmanay ” Sidaasi ayuu yidhi Badhasaab ku xigeenku.
Waxaanu intaasi ku daray ” Shilalkan waxa sababay Wadooyin xumadda ka jirta wadanka ,waxaanan ugu baaqayaa gaadiidlaydda in ay Qunyar socdaan ” Sidaasi ayuu hadalkiisa Ubax kaga baxay.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Taliyaha taraafikadda Gobolka Togdheer Cabdilaahi Soo Fadhiiste waxaana hadaladiisii ka mid ahaa . ” Shilakaasi way jireen laakiin gurmad ayaanu ka samaynay ,dadkii ku waxyeelobayna waxaanu gaynay goobaha caafimaadka gobolka ,waxaananu ilaahay uga baryayaynaa in uu janadii ka waraabiyo dadkii ku dhintay ,kuwii ku dhaawaxmayna caafimaad siiyo “Ayuu yidhi.

Geesta kale Shilalkan faraha badan ee ka dhacay gobolka Togdher iyo nawaagiisa oo uu Hal Qof ku dhinatay inta la hubo Toboneyana ku dhawacantay ,tiro kabad oo kale-na hore ugu dhimatay  ayaa ku soo beegmay xili ay Xukuumadda sare ee Somaliland Malaayiin Dolar ku lunsatay samaynta wadooyinka Somaliland waxa aaney ka qaban isla markaana maalinkasta shil ka dhaco.

Waxa kale oo xusid mudan oo ay shiilakani ku soo beeg-meen xili uu wadanka ka taaganyahay khilaafkii ka qarxay ansaxinta xeerka cashuur kordhinta ee Madaxtooyadu shicibka ku baadhanaysoo gaar’ahaan gaadiidlaydda ,Ganacsatadda Xoolaha iyo Qurba-joga Somaliland ,kaasi oo ay si weyn uga qayliyeen bulshadda Somaliland iyo axsaabta mucaaridku isla markaana laga filayo maalmaha soo socda in uu wadanka ka qarxo Mudaharaad Xukuumadda Siilaanyo lagaga soo horjeedo.

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply