Maxaa Soo Celcelinaya Amaan Darida lagu Tilmaamayo Dalka? By Cabaas Cabdiraxmaan.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaa beryahan soo noqnoqanayey amaan daro lagu tilmaamayey dalka jamhuuriyada somaliland taasoo dawlada uu hogaaminayo madaxweyne siilaanyo ay ku guuldaraysatay inay si cad uga jawaabto waayo? waxaa cadaynaysa shirkadii shidaalka baadhaysay ee dalka ka baxday iyadoo sheegtay in dalku aanu amaan ahayn oo aanay ka shaqayn karin.

Dhinca kale waxay dawladu ay khalad ku samaysay oo ay dhinaca ka dhaaftay sharcigii dalka u yaaley ee ahaa hadii dawladu ay geleyso heshiis caalamiya in heshiiska laga ansixiyo golayaasha sharciga ee dalku leeyahay, dawladu waxay cadaynaysaa in dalku uu amaan yahay laakiin ujeedada saxda ah ee shirkadu dalka uga baxday waxay tahay markay aragtay in heshiiska ay la gashay koox ka tirsan dawlada aanay ahayn mid sharci ah oo ay dhibaato ku keento marka ay hawsha si fiican u gudagasho taasaa keentay in shirkadu ay dalka uga baxdo.

Waxay dawladu dadka ku qancinaysaa in wasiiro ka tirsan dawlada ay shirkada wada hadalo uga socdaan Wadanka Ingiriiska taasina maaha wax dadka lagu qancinkaro waaayo? waxay soomalidu ku maahmaahdaa ( laba xumaan ku heshiiyey xaqay ku dirirtaa), taasoo macnaheedu yahay dawladu heshiiskii ay gashay ayaa ahaa mid aan sax ahayn waayo? haduu sax yahay waxay horkeeni lahayd dadka.

Mar hadii nabad gelyadii aynu ku faani jirney ee aynu meel walba la taagnayn ee aynu lahayn dalkayagu waa nabad ay khalkhal gelisay shirkado yar yar oo ajanebi ah oo laga leeyahay dalal shisheeye taasna waxaa u sabab ah isku dayga ay dawalada siilaanyo hogaaminayo ay meel walba si indho la’aan ah ay isugu tuurayso iyadoo aan ka fiirsana dabadeedna isagoo duuduuban ay dalka si qarsoodi ah ay ula soo geleyso.

Waxan filayaa inay arinkan ay dawaldu u noqon doonto cashar hadii aanay ku quduro qaadana ay ku dhici doonto dabino tan ka khatarsan, waayo waxaa jira heshiiso badan oo kuwan oo kale ah oo ay dawladu ku jirto hadii aanay goloyaasha sharciga hor keenina ay tanoo kale ku dhacayso .

WABILAHI TAWFIIQ

Abbas Abdirahman Said

JUBA SOUTH SUDAN

Qaare_2008@hotmail.com

Leave a Reply