Maxbuus Mudo dheer Ku Xidhnaa Xabsiga Hargeisa Oo Isagoo Meyd ah lagu Wareejiyey Qoyskiisa.

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)-Maxbuus  muddo 15 sanadood ah ku xidhnaa xabsiga weyn ee hargeysa oo loo haystay kiis dil ah ayaa ku geeriyoodey gudaha xabsigaasi  doraad ,balse shalay meydkiisa lagu wareejiyey tolkii iyo qoyskii uu ka tirsanaa si ay u aasaan.

Maxbuuskan geeriyoodey oo magaciisa lagu sheegay Mubaarik Yuusuf   ayaa muddo dheer u xidhnaa  kiis ku taxaluuqa dil oo loo haystay isaga iyo nin kale oo laga sii daayey xabsiga markii tolkii bixiyeen saamigii kaga soo hagaagay magtii ninka la dilay oo la qeybsaday,Hase yeeshee marxuum  Mubaarik ayaaney qoyskooda u suurogelin inay bixiyaan maagtii saami ahaan ku soo aadey .

Maaha markii u horeysay ee Maxbuus sedan oo kale ahi uu ku dhinto ,Jeelka Hargeysa ama gobolada kale ,balse tiraba lama soo koobi karo ,waxaana jira duruufo dhinacyo badan leh oo ka jira xabsiyadda Somaliland ,kuwaasi oo ay Xukuumadda jirtaa waxba ka qaban-wayday.

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply