Midowga Yurub Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Suurtogal Tahay In Al-shabaab Ay Muqdisho Ka Fuliyaan Weerar La Mid Ah Kii Ay Westgate Iyo Warar Kale. .

Filed under: Latest News |

Nairobi(BM)Ururka Midowga Yurub ayaa ka digay in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay ka dhacaan weeraro abaabulan oo dhig badani ku daato kuwaas oo la mid ah kuwii sabtigii Al-shabaab ay ku qaadeen dhismaha Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi, saraakiil ciidan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay inuu jiro wel wel la xiriira suurtagalnimada weeraro la mid ah kii ka dhacay Westgate oo Al-shabaab ay ku qaadaan xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo diblamaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Saraakiishan ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay iney gudaha Soomaaliya usoo dirayaan Khubaro dhanka Milateriga ah kuwaas oo tababar iyo la talin ka siin doona ka hortagga AL-shabaab saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

“Al-shabaab waxay Muqdisho ka geysan karaan weeraro la mid ah kii ay dhawaan ku qaadeen suuqa ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi”waxaa sidaas wakaalada wararka reuters u sheegay Gen. Partick de Rousiers oo ka tirsan saraakiisha sare ee Midowga Yurub,wuxuuna intaa ku daray iney Soomaaliya usoo dirayaan xeel dheerayaal Milateri oo gacan ka siiya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka hortagidda Al-shabaab.

Weerarkii Westgate ayaa dhaliyey baqdin weyn oo la xiriirta in Al-shabaab ay fuliyeen weeraro kale oo la mid ah kii Westgate,dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyey amniga dalalkooda kadib weerarka magaalada Nairobi.

 

Burcomedia.com

Nairobi.

Leave a Reply