Musuq-maasuqa Xukuumadda Siilaanyo Oo Sababay In Shirkadda Genel Energy Qalabkeedii shidaalka Iyo Shaqaalaheediiba Kala Baxdo Goboladda Bari.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Shirkadda Caalamiga ah ee  Genel Energy ee  sahaminta shidaalka ka waday gobalka Togdheer iyo gobolka Saraar, ayaa qalabkeeda iyo shaqaalaheediiba ka daad-guraysay goboladaasi ,si lama filaan ah, waxaanay u muuqataa inay shirkadu ka baxayso Somaliland. Ka soo bixitaankooda waxa ku weheliya shirkadda Tesla, oo iyadu ka sii hoos shaqaysa shirkadan Genel iyo shirkadda Olive Mine Action oo dhinaca  miino saarista u qaabilsan.

Ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow maamulka gobalka Togdheer, ayaa warbaahinta  u sheegay inaanay madaxda shirkadani maamulka gobalka ku wargelin sababaha keenay guuritaankooda. Hase yeeshe waxa lala xidhiidhinayaa khilaafaad isdaba joog ah oo ay shirkadani kala kulantay deegaanada bariga iyo koonfurta gobalka Togdheer, waxaana soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya inay madaxda sare ee shirkadani London ku yeesheen shir ay ku go’aansadeen inay ka baxaan gebi ahaanba Somaliland ka dib markii ay ka shaqayn kariwaayeen khilaaf beeleed .

Sidoo kale Diyaarad gaar ah ayaa shaqaalaha ajaanibka ah ee shirkadaas khamiistii ka soo qaaday magaalada Burco, waxaanay keentay magaalada Hargeysa oo ay qaarkood u sii dhaafeen dalka dibadiisa. Sidoo kale baabuurta xambaara qalabka ay ugu tallo galeen sahaminta shidaalka ayaa iyaguna shalay ka soo kolonyaystay bariga gobalka Togdheer, iyagoo ku soo jeeda dekedda Berbera. Baabuurtan oo barqadii shalay soo maray duleedka Burco, ayaa markii ay ku soo dhacayeen jidka laamiga ah, waxa ay ciidamo amni oo la socday ka joojiyeen baabuurtii jidka maraysay, waxaanay dad goob joog ahi sheegeen inay baabuurtaasi u muuqdeen inay sideen qalabka casriga ah ee ay shirkadda Genel Energy ku sahamiso shidaalka Somaliland.

Qalabka ay shirkadani ka soo rartay deegaanadaas ay sahaminta shidaal ka waday, ayaa waxay qaybo ka mid ahi soo gaadheen magaalada Berbera, waxaanay wararku sheegayaan inay ku socdaan dekedda Berbera.

Geesta kale bixitaanka Shirkadda Genel Energy ayaa waxa u sabab ah Xukuumadda Siilaanyo oo musuqmaasuq ,isdabamarin iyo Qabyaalad dhex-dhigtay hawlihii shaqo ee Shirkadani ka waday goboladda bari ,taasi oo ay Shirkadu ka shaqayn kari wayday isla markaana ay bulshooyinka deegaamadda ay hawsha ka waday ka hor keentay .

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply