Obama Oo Ka Fakaraya Weerar Ballaaran Oo Uu Ku Qaado Syria Iyo Wararkii U Danbeeyay Ee dalkaasi.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Horey ayaa loo soo bandhigay hindiso ah in duqeymo kooban lagu samayn doono goobaha militeri ee dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.

Ciidammada dowladda Suuriya ayaa lagu eedeynayaa inay hubka kiimikada ku weerareen meel dibedda ka ah magaalada Dimishiq, caasimadda dalkaas.

Aqalka cad ayaa doonaya inuu ku qanciyo mudanayaasha baarlamaanka inay taageeraan qorshaha Obama ee ah in weerar lagu qaado Suuriya.

Dad badan ayaa billaabay inay ka qaxaan Suuriya tan iyo markii Maraykanku sheegay in laga yaabo in uu weeraro Suuriya.

Qaxootiga Suuriya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa shegaysa in tiradda dadka ka barakacay colaadda Suuriya ee wadamada deriska ah galay, ay kor u dhaaftay 2 milyan oo ruux.

Afar milyan oo qof oo dheeraad ah ayaa ku barakacsan gudaha dalka Suuriya.

Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado uu caawin doono ururka Al Qaacida iyo taageerayaashiisa.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda ee Suuriya Faysal Miqdad ayaa sheegay in hubka kiimikada ay adeegsadeen mucaaradka hubaysan ee la dagaallamaya dowladda.

 

Burcomedia.

Head office.

Leave a Reply