Press release: Safarka Madaxweynaha Ee Gobolada ,Waxaa Lagu Qarinayaa Musuqa Iyo Cadaalad Darada Baahsan Ee Dalka Ka jira.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Press release  .Ujeedo :- Safarka Madaxweynaha ee Gobolada ,waxaa lagu qarinayaa musuqa  iyo cadaalad darada  baahsan ee dalka ka jira.

 

 

( Mashruuc baal la furay   iyo Mashruuc baa dhagax la dhigay,waa farsamooyin loo adeegsado,laguna qariyo musuqmaasuqa iyo cadaalad darada baahsan ee wadanka aafaysay)

 

 

 

Marka hore waxaan  salaan  mudan  dhamaan shacabka  reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan  gudaha iyo dibadaba.

 

 

 

 

 

 

 

Sida aad la wada socotaan waxaa malmihii ugu dambeeyey  safar ku tegay qaar ka mid ah Gobolada Somaliland Madaxweynaha Somaliland  Md.Siilaanyo,iyo  kooxda   Wasiiro   sheegata.laakiin dalka looga yaqaan «  yaanu u jawaabnaa iyo qaar kale oo loo yaqaan kooxda awooda badan ee ee ku xeeran Madaxweyahay ».

 

 

 

Haddaba Xafiiska Arimaha Gudaha iyo xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga UCID wuxuu u arkaa safarkaa

 

Madaxweynaha iyo kooxda loo yaqaan  « yaanu u jawaabnaa » sida tan :-

 

1.     Mashaariic baa qaarna la furay qaarna dhagax la dhigay,waxaa lagu qarinayaa Musuqmaasuqa  iyo cadaalad darada baahsan ee maanta ka jirta Somaliland,waa hab lagu  marin habaabinayo shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba .

 

 

 

2.     Mashaariic baa la furay ,qaar ayaa dhagax  la dhigay waa farsamooyinka ay Xukuumada Somaliland u adeegsato Musuqa iyo cadaalad darada,waa hab loo adeegsado in lagu naas nuujiyo ,lagu xooleeyo,qandaraasyo lagu siiyo shaqsiyaad gaar ah oo la doonayo in ay dhaqso u taajiraan. Waxaa markhaati buuxa ka ah  musaqa ka dhacay Hargeysa Airport iypo Shirkadii Genel oo aan ilaa hadda xal  loo helin.

 

 

 

3.     Shacabka  sharafta leh ee reer Somaliland waxaa la gudboon in ay dhegaha iyo Indhahaba furaan oo fahmaan  in Mashaaricda loo sheegaayaa ay been yihiin,balse ay yihiin habka ugu fudud shacabka lagu qaldi karo,  cashuurta iyo deeqaha Ummadda la siiyana jeebabka loogu guran karo.

 

 

 

4.     Waxaa haboon si  si deg deg ah Xisbiyada Mucaaridka ahi  u magacaabaan guddi isku jir ah oo soo baadha Musuq maasuqa iyo cadaalad darada wadanku  la kacaa kufayo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

5.     Waxaanu ka codsanaynaa  Golayaasha Xilligoodii dhamaaday , Garsoorka dalka iyo  ,Xisbiyada Mucaaridka ah  iyo guud ahaanba shacabka reer  Somaliland ee nadiifta ah in la gaadhay xilligii  la BADBAADIN LAHAA DALKA IYO SHACABKA  DANYARTA AH,SHARCIGANA LA HORKEENI LAHAA  SHAQSIYAADKA  AFKOODA UU KA QOYAN YAHAY DHIIGII IYO DHEECAANKII DANYARTA REER SOMALILAND.

 

 

 

6.     Waa muhiin in sida ugu dhaqsaha badan Mucaaridku uga tashadaan talaabo kasto oo muhiim ah iyo sidii shacabka masaakiinta ah loo badbaadin lahaa.

 

Hadal iyo dhamaan  ma jiri doonto meel ay ku dhuuman karaan dhulka korkiisa , kuwa jeebabka ka buuxsaday  shillimadii  danyarta iyo dadka maasaakiinta  ah ,Akhirana waxaa idin hortaala xiisaab adag oo aydaan ka baxsan karin

 

 

 

 

 

(Nina dhuuni buu ku dhex joogaa————-Nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay)

 

 

 

 

 

 ALLAA                   MAHAD                 LEH

 

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

 

                              Xisbiga UCID

 

abdi_saleiman@hotmail.com.

 

Facebook : abdi saleiman.

 

SKype : Abdisaaleiman1

 

twitter : @_saleiman

Leave a Reply